Pages

Monday, August 4, 2014

Burco:Culimo-awdiin ku dhawaaqay inay Taageero u fidinayaan Falastiin


Cambaareynaha Somaliland looga jeedinayo Xasuuqa Falastiiniyiintu Miisaan intee le'eeg ayay ku kordhinaysaa diidmada caalamiga ah ee dagaalka bil jirsaday




[caption id="attachment_90069" align="alignleft" width="300"]Muuqaalka Magaalada Burco Muuqaalka Magaalada Burco[/caption]Burco(GNA)-In ku dhow 40 Waddaad oo ka mid ah Culimada diinta ee reer Burco (Somaliland), ayaa si kulul u cambaareeyay waxa ay ugu yeedheen xasuuqa lagu hayo shacbiga reer Falastiin ee GAZA.




Bayaan ay ku saxeexanyihiin magacyada xubnaha culimo-awdiinka ah oo warbaahinta loo qaabiyay maanta, ayaa sidoo kale wax laga xumaado ay ku tilmaameen aamusnaanta dunida Islaamku ku eegayso xasuuqa ba’an ee ka socda dhulka falastiiniyiinta.




Bayaanka ayaa culimadu ku xustay inay Taageero intii awooddooda ah u fidinayaan shacbiga halkaasi Yuhuudu ku xasuuqayso.




Xukuumadda Somaliland ayaa hore u cambaareysay dagaalka ka socda marinka GAZA oo inta badan beesha caalamku walaac ka muujinayso.




Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa Maalintii ciidda ee dabayaaqada bishii Jully ee la soo dhaafay, sheegay inay dawladda Somaliland dagaalka ka socda marinka GAZA u aragto xasuuq lagu hayo dad rayid ah oo aan waxba galabsan.




Dhawaaqa culimada reer Burco ayaa sii xoojinaya dhambaalada Somaliland iyo geyiga Soomaalidaba hore loogaga cambaareeyay gulufka bik ku dhawaadka socda ee GAZA, kuwaasoo ay musheekhda diinta iyo dadka indheer garadka ahi u cambaareeyeen.




Bayaanka Culimada




Sida la ogyahay , dawlada sheegata israaiil ee yuhuuddu waxa ay xasuuq iyo gumaad ba'an u gaysatay walaalaha muslimiinta ah ee reer Qazza,iyada oo ku soo qaaday dagaal cirka,dhulka iyo baddaba ah, waxaana dagaalkaasi gaystay dhimasho kor u dhaafaty illaa iyo hadda 1800, halaka dhawaawucuna kor u dhaafay 9000. walina dagaalkii wuu socdaa , cirka iyo dhulka iyo badda ayaa hadh iyo habeen laga duqeeyaa , waxa u badan ee ku dhimanayaana waa dad rayiid ah oo isgu jira caruur iyo dumar . Reer Qazza waxay go'doon ahaayeen ku dhawaad siddeed sanno , intaasna way dhibbanaayeen , waana markii saddexdaad ee ay yuhuuddu ku soo qaado dagaal ( 2008, 2012 iyo 2014) . Sida aynu ognahay diinteena islaamku waxa ay ina faraysaa in aynu isu hiilino , oo ay muslimiintu walaalao yihiin , hal jidh oo isu damqanaaya yihiin .. sidaa awgeed culimada gobolka togdheer ayaa waxa ay soo saareen baaqaan.





  1. Waxaaanu ka damqanaynaa isla mar ahaantaana canbaaraynaynaa gumaadka ay yuhuudu ku samaynayso walaalahayga reer qazza , sidoo kale waxaanu canbaaraynaynaa cidksata oo siinaysa taageero toos ah ama mid dadban.


  2. 2- Waxaanu ku taageeraynaa walaalaha reer gaza wax kasta oo awoodayada ah, oo ay ugu horayso ducadu duruufuhuna ay saamaxaan ,sidoo kale waxaananu ku taageeraynaa in ay xaq u leeyihiin inay isdifaacaan iyagoo ilaashanaya diintooda ,dhiigooga iyo muqadasaadka islaamka.


  3. 3- Waxa aanu ugu baaqaynaa umadda islaamaka meelkasta oo ay joogaan iyo cidkasta oo damiir bani aadamnimo leh , in ay is garab taagaan walaalaha reer Qazza iyagoo lawadaagaaya dareen iyo ducaba .


  4. 4- Waxaa layaab leh aamuska caalamka islaamku ka aamusan yahay gumaadka reer Qazza lagu hayo habeen iyo maalinba, gaar ahaan madaxda caalamka islaamka, iyada oo la wada ogsoon yahay taageerada cadaanka ah ee ay siinayaan yuhuudda dawladaha waawayn ee reer galbeedku. wa biilaah attawfiiq culimada gobolka togdheer 25/07/2014 magacyada culimada bayyaan kan ku sexeexan:




1-sh cali warsmae




2-sh.yuusuf cabdi cawad




3.Suldaan Maxamuud Guuleed Mire




 4. Suldaan Daakir Xassan khaliif




5.sh. cabdilaahe baashe




6-sh. cabdiqani aw saalax cali




7-sh.dr xasan sh .cali warsme




 8--sh. siciid xaaji cismaan maxmed




9- sh. cabdilaahi khaliif jaamac




10-sh. mustafe aadan mxamed




11- sh . cabdiwahaab xaashi xasan




12- sh.ibraahin jaamac axmed




13- sh.maxmed shukri xasan




 14- sh.cabdiqaadir muuse xasan




15- sh.jaamac cismaan axmed




16-sh.cismaan ibraahin faarax




17- sh.xusdeen aadan cali




18- sh.xasan abokor dhuuxyare




 19- sh. saleebaan cali daahir




20- sh.daawuud cali xuseen




 21- sh.baashe obsiye ducaale




22- sh. jibriil xaaji siciid maxamed




23- sh. ismaaciil yuusuf xasan




24-sh.cabdishakuur jaamac dirir




25- sh. maxamed kaahin saleebaan




 26- sh. faysal cali faarax




27- sh yuusuf maxmuud diiriye




 28- sh . maxamuud sh xasan guleed




29- sh. aadan cabdi ismaaciil




30- sh.aadan yuusuf maxmed




31-sh.maxmed cabdilaahi jaamac suudi




32- Dr. C/raxmaan Axmed Raage




 33- Dr. Xuseen Maxamuud Ducaale




 34-sh. baashe Maxamed siciid




 36- sh. c/rashiid x Aadam




 37sh. Jaamac Cali cabdille




Dagaalka GAZA




Duqeymaha Magaalada GAZA iyo RAFAX ayaa galay maalin kale oo ay sii soconayaan dilka dadka maatada ah ee gantaaleyaasha lagu ganayo.




Israel ayaa xalay ogolaatay xabbad joojin 7 saacaddood soconaysay oo ku kooban Magaalada GAZA, taasoo loogu yeedhay xabbad joojin bina-aadanimo.




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com