Cambaareynaha Somaliland looga jeedinayo Xasuuqa Falastiiniyiintu Miisaan intee le'eeg ayay ku kordhinaysaa diidmada caalamiga ah ee dagaalka bil jirsaday
[caption id="attachment_90069" align="alignleft" width="300"]
Muuqaalka Magaalada Burco[/caption]Burco(GNA)-In ku dhow 40 Waddaad oo ka mid ah Culimada diinta ee reer Burco (Somaliland), ayaa si kulul u cambaareeyay waxa ay ugu yeedheen xasuuqa lagu hayo shacbiga reer Falastiin ee GAZA.
Bayaan ay ku saxeexanyihiin magacyada xubnaha culimo-awdiinka ah oo warbaahinta loo qaabiyay maanta, ayaa sidoo kale wax laga xumaado ay ku tilmaameen aamusnaanta dunida Islaamku ku eegayso xasuuqa ba’an ee ka socda dhulka falastiiniyiinta.
Bayaanka ayaa culimadu ku xustay inay Taageero intii awooddooda ah u fidinayaan shacbiga halkaasi Yuhuudu ku xasuuqayso.
Xukuumadda Somaliland ayaa hore u cambaareysay dagaalka ka socda marinka GAZA oo inta badan beesha caalamku walaac ka muujinayso.
Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa Maalintii ciidda ee dabayaaqada bishii Jully ee la soo dhaafay, sheegay inay dawladda Somaliland dagaalka ka socda marinka GAZA u aragto xasuuq lagu hayo dad rayid ah oo aan waxba galabsan.
Dhawaaqa culimada reer Burco ayaa sii xoojinaya dhambaalada Somaliland iyo geyiga Soomaalidaba hore loogaga cambaareeyay gulufka bik ku dhawaadka socda ee GAZA, kuwaasoo ay musheekhda diinta iyo dadka indheer garadka ahi u cambaareeyeen.
Bayaanka Culimada
Sida la ogyahay , dawlada sheegata israaiil ee yuhuuddu waxa ay xasuuq iyo gumaad ba'an u gaysatay walaalaha muslimiinta ah ee reer Qazza,iyada oo ku soo qaaday dagaal cirka,dhulka iyo baddaba ah, waxaana dagaalkaasi gaystay dhimasho kor u dhaafaty illaa iyo hadda 1800, halaka dhawaawucuna kor u dhaafay 9000. walina dagaalkii wuu socdaa , cirka iyo dhulka iyo badda ayaa hadh iyo habeen laga duqeeyaa , waxa u badan ee ku dhimanayaana waa dad rayiid ah oo isgu jira caruur iyo dumar . Reer Qazza waxay go'doon ahaayeen ku dhawaad siddeed sanno , intaasna way dhibbanaayeen , waana markii saddexdaad ee ay yuhuuddu ku soo qaado dagaal ( 2008, 2012 iyo 2014) . Sida aynu ognahay diinteena islaamku waxa ay ina faraysaa in aynu isu hiilino , oo ay muslimiintu walaalao yihiin , hal jidh oo isu damqanaaya yihiin .. sidaa awgeed culimada gobolka togdheer ayaa waxa ay soo saareen baaqaan.
Waxaaanu ka damqanaynaa isla mar ahaantaana canbaaraynaynaa gumaadka ay yuhuudu ku samaynayso walaalahayga reer qazza , sidoo kale waxaanu canbaaraynaynaa cidksata oo siinaysa taageero toos ah ama mid dadban.
2- Waxaanu ku taageeraynaa walaalaha reer gaza wax kasta oo awoodayada ah, oo ay ugu horayso ducadu duruufuhuna ay saamaxaan ,sidoo kale waxaananu ku taageeraynaa in ay xaq u leeyihiin inay isdifaacaan iyagoo ilaashanaya diintooda ,dhiigooga iyo muqadasaadka islaamka.
3- Waxa aanu ugu baaqaynaa umadda islaamaka meelkasta oo ay joogaan iyo cidkasta oo damiir bani aadamnimo leh , in ay is garab taagaan walaalaha reer Qazza iyagoo lawadaagaaya dareen iyo ducaba .
4- Waxaa layaab leh aamuska caalamka islaamku ka aamusan yahay gumaadka reer Qazza lagu hayo habeen iyo maalinba, gaar ahaan madaxda caalamka islaamka, iyada oo la wada ogsoon yahay taageerada cadaanka ah ee ay siinayaan yuhuudda dawladaha waawayn ee reer galbeedku. wa biilaah attawfiiq culimada gobolka togdheer 25/07/2014 magacyada culimada bayyaan kan ku sexeexan:
1-sh cali warsmae
2-sh.yuusuf cabdi cawad
3.Suldaan Maxamuud Guuleed Mire
4. Suldaan Daakir Xassan khaliif
5.sh. cabdilaahe baashe
6-sh. cabdiqani aw saalax cali
7-sh.dr xasan sh .cali warsme
8--sh. siciid xaaji cismaan maxmed
9- sh. cabdilaahi khaliif jaamac
10-sh. mustafe aadan mxamed
11- sh . cabdiwahaab xaashi xasan
12- sh.ibraahin jaamac axmed
13- sh.maxmed shukri xasan
14- sh.cabdiqaadir muuse xasan
15- sh.jaamac cismaan axmed
16-sh.cismaan ibraahin faarax
17- sh.xusdeen aadan cali
18- sh.xasan abokor dhuuxyare
19- sh. saleebaan cali daahir
20- sh.daawuud cali xuseen
21- sh.baashe obsiye ducaale
22- sh. jibriil xaaji siciid maxamed
23- sh. ismaaciil yuusuf xasan
24-sh.cabdishakuur jaamac dirir
25- sh. maxamed kaahin saleebaan
26- sh. faysal cali faarax
27- sh yuusuf maxmuud diiriye
28- sh . maxamuud sh xasan guleed
29- sh. aadan cabdi ismaaciil
30- sh.aadan yuusuf maxmed
31-sh.maxmed cabdilaahi jaamac suudi
32- Dr. C/raxmaan Axmed Raage
33- Dr. Xuseen Maxamuud Ducaale
34-sh. baashe Maxamed siciid
36- sh. c/rashiid x Aadam
37sh. Jaamac Cali cabdille
Dagaalka GAZA
Duqeymaha Magaalada GAZA iyo RAFAX ayaa galay maalin kale oo ay sii soconayaan dilka dadka maatada ah ee gantaaleyaasha lagu ganayo.
Israel ayaa xalay ogolaatay xabbad joojin 7 saacaddood soconaysay oo ku kooban Magaalada GAZA, taasoo loogu yeedhay xabbad joojin bina-aadanimo.
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com