Friday, July 18, 2014

Xukuumadda Somaliland oo Eeddeymo Diblomaasiyadeed u jeedisay Somalia


sideebuu Saylici u Shir-guddoomiyey Shirkii Golaha Wasiirrada?




Golaha wasiirradaHargeysa(GNA)-Xukuumadda Somaliland ayaa mar kale ku doodday inay dawladda Somalia faro-gelin ku hayso xudduudaheeda.




War qoraal ah oo laga soo saaray Shirkii golaha Wasiirrada ee Maanta oo uu shir-guddoominayay Madaxweyne ku-xigeenka ahna kusimaha Madaxweynaha, ayaa lagu sheegay inay Xukuumadda ku-meel gaadhka ah ee Somalia ku soo xad-gudubtay deegaamo ka tirsan Xadkeeda.




War saxaafaddeedka Madaxtooyada laga soo saaray ayaa u dhignaa sidan:




Fadhigii Maanta ee Golaha Wasiirada Jamhuuriyada Somaliland oo tirsigiisu ahaa fadhigii Boqol iyo Sideed iyo Sodonaad (138aad) oo uu gudoominaayey Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku simaha Mdaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, ayaa goluhu waxa uu kaga dooday sida ay lagama maarmaanka u tahay in la cadeeyo mawqifka rasmiga ah ee xukuumada Somaliland ay ka qabto, Sheegashooyin beryahan danbe ka soo baxayey xukuumada ku meel gaadhka ah ee Somaliya oo beesha caalamka ay u sheegayeen in ay ka masuulyihiin meelo ka mid ah xuduudaha, bada iyo Hawada Somaliland, taasi oo haba-yaraatee aanay waxba ka jirin.




Somaliland waxay leedahay xuduudo qeexan oo mucayin ah. oo ah kuwii ay lahayd xiligii gumaysiga iyo ka dibba, xuduudahaasi oo waafaqsan sharciga caalamiga ah kuna cad Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.




Hadaba fadhigaasi golaha wasiirada waxa beesha caalamka loogu cadaynayaa in Somaliland iyada oo xaqdhawraysa qawaaninta caalamiga ah, iyana ay xaq u leedahay difaaca xuduudeheeda dhinaca bada, beriga iyo Hawada.




Waxayna xukuumada Somaliland ka digaysaa cidkasta oo soo faragelisa xuduudahaa mucayinka ah ee Somaliland, in ay si aan gabasho lahayn u difaacayso, wixii ka yimaadana cidii ku soo xadgudubtay ay ka masuul tahay.




Ugu danbayn Somaliland waxay ixtiraamaysaa nabad ku wada noolaanshaha dadyawga iyo Dawladaha Geeska Africa iyo kuwa caalamkaba.” Ayaa lagu yidhi.




Waa markii ugu horaysay ee Shirka Golaha wasiirrada Somaliland laga soo saaro go’aan noocan ah, kaasoo lagu difaacayo qadiyada Somaliland, tan iyo markii ay xukuumadda Siilaanyo talada la wareega.