Friday, July 18, 2014

Xukuumadda Somalia oo $500,000 ugu yaboohday dadka abaaruhu saameeyeen


R. Wasaare Cabdiwali: “Xukuumaddu waxay ku yaboohday 500,000 $ oo gurmad deg deg ah loogu fidiyo dadka Abaaruhu saameeyeen”




xukuumadd4 Muqdisho, July, 17, 2014.(GNA)-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa ayaa iclaamiyay lacag qaadhaan ah oo gaadhaysa nus Milyan dollar oo ay ugu yabooheen deegaamada abaaruhu ka jiraan ee Somalia.




Shirka waxa hir guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed. Waxaana goluhu ku dhawaaqay in dalka ay ka jiraan abaaro daran, iyagoo guddi wasiiro ah u saaray wax ka qabashada abaaraha.




Golaha Wasiirrada ayaa markii ay dood dheer ka yeesheen xaaladda abaaraha iyo biyo la’aanta ka taagan qaybo ka mid ah dalka, taas oo ka dhalatay roobkii oo daahay xiliga guga , ayaa goluhu ku dhawaaqay in ay jiraan xaalado abaaro iyo biyo la’aan ah. Waxaana goluhu ay sheegeen in dhibaatadani ay saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada ku nool qeybo badan oo kamid ah gobollada dalka,xukuumadd5




Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md. Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in xukuumadda ay ku yaboohday lacag dhan 500,000 oo Dollar oo gurmad deg-deg ah loogu fidinayo dadka dhibaatadu saamaysay “ Xukuumaddu waxay samaynaysaa dadaal kasta oo gargaar lagu gaarsiinayo dadka dhibaataysan, waxana ay beesha caalamka, Ganacsatada iyo Qurba-joogta Soomaaliyeed ugu baaqaysaa inay naga gacan siiyaan sidii arrintan wax looga qaban lahaa. waxaana goluhu magacaabay guddi wasiiro oo la tacaala wax ka qabashada abaaraha, waxaana gudiga hor kacayo Wasiirka Beeraha Mudane Cabdi Axmed Baafo.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.




 




Ugu dambeyn, afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Ridwaan Xaaji C/weli ayaa sheegay in golaha wasiirradu ay sidoo kale ka hadleen ammaanka dalka, gaar ahaan dagaaladii ka dhacay gobolka Hiiraan, iyadoo Xukuumaddu ugu baaqday in shuruud la’aan lagu joojiyo dagaalka, waxaana uu xusay in Wafdi ka socda Xukuumaddu ay gaareen gobolka Hiiraan si ay gacan uga gaystaan xal u helida dagaalada ka dhacay tuulooyin ka mid ah gobolka.. Waxaa dhanka kale Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamadda ammaanka todobaadkan ay ka hor tageen gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo kooxaha Nabad-diidku doonayeen inay ku dhibaateeyaan dadka Soomaaliyeed ee Sooman.




Deegaamo badan oo ka mid ah Gobollada Somalia ayaa laga soo sheegayay teer iyo bishii la soo dhaafay abaar ba’an oo dad iyo duunyabada saamaysay.




Gobolka Gedo ayaa ugu daran meelaha abaarta laga soo sheegay, halkaasoo ay kumanaan qoys ku baro kaceen Bilihii la soo dhaafay.




Wasiir ku-xigeenka Beeraha Somalia ayaa dhawaan sheegay in xaalada Halkaa ka jirtaa sii xumaanayso.




Qaramada midoobay ayaa todobaadkii hore ka dayrisay heerka macaluusha iyo abaaraha ka jira Somalia.




FAO ayaa dalbatay gargaar deg deg ah oo gurmad loogu fidinayo dadka tabaalaysan.




Roobka Guga oo Dhulka qaar ku yaraa iyo colaadaha wali taagan ayaa duruufo sii adkaanaya sababay.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com