Muqdisho(GNA)-Hay’addaha baadhista iyo dadka raadinaya warka ku saabsan weerarkii xalay ka dhacay Madaxtooyada Somaliya aya durba calaamadiyeen in Xasan Muxiyadiin oo uu dhalay Sheikha Mu’adinka ka ah Masaajidka Madaxtooyada Somalia.
Ninkaa oo warar iskhilaafsani ka soo baxayaan xilka rasmiga ah ee uu ka hayay Madaxtooyada, ayaa la rumaysanyahay inuu ka mid ahaa dadka caadiga uga hawl-gala halkaasi.
Muuq kaydiyeyaasha ku rakiban Madaxtooyada ayaa laga helay muuqaalka Gaadhiga Ninkan oo horkacaya laba gaadhi oo iyaga la xaqiiqsanyahay inay Shirkadda Isgaadhsiinta Hormuud leedahay.
Ninkan waxa la sheegay in nolol lagu hayo oo Hay’addaha ammaanku baadhayaan.
Baadhista lagu hayo ayaa ah mid ugu yaraan lagu ogaanayo doorka uu ka qaatay diyaarinta weerarkan, sababtoo ay tahay waa Ninka laba Isbaaro oo madaxtooyadu leedahay soo dhaafiyay nimanka kale ee Shihiiday, waa sida ay Alshabab u taqaano.
Wararka ku saabsan weerarka ayaa intaas ku datay in Kooxda qaadey ay qaarkood mudo dheer oo maalmo ah ay iman jireen Madaxtooyada iyagoo lagu arki jirey Xafiiska Shirkada Hormnuud.
Warku wuxuu intaas ku darayaa inuu xidhanyahay madaxii Shirkadda xafiiskeedu, hase ahaatee lama yaqaano Ninka uu yahay.
Shaki weyn ayaa ka taagan meesha uu ku waajahnaa weerarkan oo ay ku dhinteen ilaa sagaal u badan kuwii soo qaaday.
Halkan ka Daawo Warbixin:
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editot@gobanimonews.com