Wednesday, July 9, 2014

Taliyeyaashii Booliska iyo Nabad-sugida Qaranka Somaaliya oo la eryay


WASIIRKUMuqdisho(GNA)-Ra’isulwasaaraha  Xukuumadda Soomaaliya ayaa magacaabay Wasiirka Amniga Qaranka,kaddib markii uu laba bilood ka hor iska casilay Cabdikariin Xuseen Guuleed.




Khaliif Maxamed Erig, ayaa loo magacaabay Wasiirka Amniga Qaranka, waxaanu hore u ahaan jiray mar  madaxa nabad-sugida ee Gobolka Banaadir, haatana wuxuu ahaa la taliye dhanka amniga ah.




Wasiirka Warfaafinta Somalia Mustafe Dhuxulow ayaa warbaahinta u xaqiijiyay magacaabista Wasiirka cusub.




Sarkaalkan la magacaabay, ayaa ka mid ah Shakhsiyaadka ay baadigoobayaan Kooxda Alshabaab, waxaanay magacaabistiisu sacaado ka dambeysay weerar xoogan oo xalay lagu qaaday Villa Somalia, kaasoo niman ka tirsan alshabaab oo hubaysani gudaha ugu galeen Madaxtooyada.




laba taliyeDhinaca kale, warar hor dhac ah oo ka soo baxay Xafiiska Raysal-wasaaraha ayaa sheegaya in Xilalkii laga qaaday Talieyaashii Ciidamada Nabadsugida Qaranka Bashiir Goobe iyo Taliyaha Booliska Gen. C/Xakiin Dahir Saciid (Saacid).




Labadan sarkaal waxa loo aanaynayaa inuu sahayday Weerarkii xalay dhacay.




Warku wuxuu intaas ku darayaa in Taliyaha Booliska  loo magacaabay Maxamed Sheikh Xasan Ismaciil, halka Taliyaha Hay’ada Sirdoonka si ku-meel gaar ah loogu dhiibay G/sare Maxamed C/llaahi Xaamud.

labadan Nin ee lagu bedelay labada sarkaal ee amniga qaabilsanaa ayaa waajahaya xaalad amni daro aad u culus oo caasimada ka jirta.




Amni darada waxa marag ma doon u ah weerarkii xalay lagu qaaday aqalka dalka looga taliyo, halkaasoo dadka weeraray ay soo baxayaan tuhuno sheegaya inuu waday Nin ka mid ah Shaqaalaha Madaxtooyada.




La soco wixii soo kordha..