W/Q: C/RAXMAAN C/LAAHI WIRDAANI
QORMADII: 19-AAD
17. MAXAA DHACAY RAMADAAN GUDAHEED.
Waa qormooyinkeeni taxanaha ahaa ee WAX KA BARO BISHA RAMADAAN iyo qormadeeni Sagaal iyo tobnaad oo aynu kaga hadli doono maxaa dhacay Ramadaan gudaheed.
Waxaynu ka warami doonaa oo aynu ka sheekayn doonaa wixii dhacay ramadaan gudaheed, marka la eegayo taariikhda muslimiinta, wayna farabadan yihiin wixii dhacay ramadaan dhexdeeda, waxaana ka mida, dagaalo ay galeen muslimiintu, meelo ay furteen muslimiintu, sidoo kale waxa ka mida cid ka dhimatay muslimka, ama dhalatay ramadaan gudaheed, iyadoo ay aad u farabadnaayeen hadda intii ugu caansanayd ayeynu ka sheegi doonaa, intuu Eebe inooga qadaro.
Ramadaan 1/ waxa ay muslimiintu furteen marooko.
Ramadaan 3/ sanadkii (11h) waxa dhimatay faadumo bintu Rasuuli laah (NNKHH) oo ahayd gabadhii uu dhalay.
Ramadaan 6/ sanadkii (92h) waxa ciidamadii abu qaasim furteen dhulkii loo yaqaanay (ASANDI) imikana kala ah dawladaha kala duwan sida bakistaan, afgaanistaan, iyo hindiya.
Ramadaan 10/ tobankeedii waxa dhacay dagaalkii loogu magac daray (DAGAALKII TOBAANA) ee cidamadii masar kaga sareen kanaalka suways ciidamadii yuhuuda.
Ramadaan 12/ waxa dhintay Imaamkii waynaa ee Ibnu jawsi, Eebe ha u naxariistee.
Ramadaan 15/ sanadkii (658h) muslimka Eebe koreeye wuxuu ku guuleeyay furashadii (caynu jaaluut).
Ramadaan 17/ waxa dhacay dagaalkii weynaa ee (BADAR) maalinkii Eebe koreeye kala saaray xaqa iyo baadilka, muslimkana kaga guulaysteen gaaladda dagaalkaa.
Ramadaan 18/ waxa dhintay saxaabigii waynaa ee khaalid ibnu waliid, ee Rasuulku ku magacaanbay (sayful Laahi masluul), wuxuuna ku dhintay suuriya.
Ramadaan 20/ sandkii (8h) muslimiintu waxay furteen magaalada (makkah), iyadoo maalinkaa uu hogaaminayey Rasuulkeenii muhamed (NNKHH), kadibna halkaa asxaabtu asnaamtii ku hereeraysnayd kacbada jajabiyeen, Bilaalana ka eedaamay kacbada korkeeda, Nabiguna saamaxay (NNKHH) kuwii ka saaray isaga magaalada (makkah.
Ramadaan 24/ sanadkii (20h) waxa dalka masar muslimiintu ka dhiseen masjidkii ugu horeeyey halkaas, waxayna ugu magac dareen saxaabigii waynaa ee cumar Ibnu caas.
Ramadaan 28/ sandkii (2h) waxa muslimiinta lagu faral yeelay sakaatul fidriga, taas muslimiinta la faray inay xoolahooda ka bixiyaan.
Ramadaan 30/ waxa dhintay Imaamkii wayaan ee BUKHAARI, Rabi ha u naxariistee, isagoo Imaamku ahaa ninkii ururiyey axadiistii Rasuulkeenii suubanaa (NNKHH), taas oo maanta inoo noqotay dhaxal dhexdeena yaal, ilaa maantana bar-baarteenu ka faa’idaysato.
Muslimiinta ramadaan waxa haleelay farxad iyo murugo, bishan barakaysana wixii dhacay gudaheeda intaan halakan ku qoray oo kaliya maaha, runtii way ka badanyihiin, laakiin anuu waxan ka soo qaatay intii ugu caansanayd, waxaan rajeynayaa inaad noqotaan kuwii barta taariikhdii ay lahaayeen dadkii islaamka inooga horeeyey.
Intaas ayaan ku soo afmeerayaa qormadeeni sagaal iyo tobnaad, Rabina waxaan ka baryayaa inuu camalka iyo cilmigaba inoo hagaajiyo insha allah, intaan aqoon korodhsi kan xiga isku imanayno waxaan idinku dhaafayaa, SALAAMU CALAYKUM WARAX MATULLAAHI WABARAKAATUH.
LA SOCO..........