Pages

Thursday, July 17, 2014

Daawo: Wasiir Dagaal iyo Aflagaado isugu daray masuuliyiin Shirweyne Guddoominaya


Cali Xaamud Jibriil Ma qaskii Shirweynaha Kulmiye ayuu ku helay Wasiirka Xidhiidhka Goleyaasha Somaliland?hoos ka Daawo wuxuu samaynayo




[caption id="attachment_91081" align="alignleft" width="300"]Maxamed Cabdilaahi Cumar oo khaati ka taagan Cali Xaamud Maxamed Cabdilaahi Cumar oo khaati ka taagan Cali Xaamud[/caption]Hargeysa(GNA)-Akhristeyaal waxaan halkan idiinku soo gudbinaynaa faddeexad iyo fool xumo culus oo uu sameeyay Wasiirka Xidhiihdka Goleyaasha Somaliland Cali Xaamud Jibriil, intii aan xilka loo magacaabin.




Falkaasoo uu ka dhex sameeyay Shirweynihii Kulmiye ee Bishii April, waxa muuqaalka ka muuqda isagoo caayaya ama aflagaadaynaya mid ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga, isla markaana khasab ku marsiinaya Xoghayihii shirguddoonka shirweynaha waxyaabo aan heshiis lagu ahayn, sida tirada xubnaha golaha dhexe iyo guddida fulinta loogu darayo Madaxweyne ku-xigeenka.




Guddida shirka hagaysay kamuu mid ahayn, waxaana Guddida qabanqaabada shirweynaha madax u ahaa Nin ay walaalo yihiin oo dibada ka yimi.




Halkan ka daawo








Xukuumad faddeexadeed




Arrintase la yaabka ah  ayaa waxay tahay sababta xilka loogu magacaabay ninka sameeyay faddeexada intan le’eeg, isla markaana shirweynaha intaasoo qof oo Madax iyo minjo isugu jirta fadhidu, fagaaraha ku qabsanaya Shir-guddoonkii hawsha maamulayay oo aanu ka mid ahayn, wax door ahna aanu ku lahayn.




Taasi waxay ka turjumaysaa ciyaallo suuqnimada iyo qayrul masuulnimada ka muuqata Ninkan lagu bedelay Siyaasiga saaxada Maamulka ku soo galay qalqaaliyadda iyo dagaalka.




Muuqaalkan waxa duubay oo xuquuqdiisa iska leh Talefishanka Startv ee Hargeysa.Halkan Guji oo sii daawo