Pages

Sunday, July 13, 2014

Wasaaradda Maaliyadda Somaliland oo ka farxisay Carruur agoon ah.Daawo


Hoos ka daawo wasaaradda oo markii ugu horaysay qaaday talaabo ugub ah..




maaliyaddaHargeysa(GNA)-Wasaaradda Maaliyadda Somaliland ayaa markii ugu horaysay Deeq raashin midho bisil ah oo  ku wareejisay xarunta agoomaha ee Magaalada Hargeysa, waxaanay dhinaca kale balanqaaday Dharka Iidda ee Carruurta xaruntaas lagu daryeelo.




Deeqdan oo ka kooban 150 Kartoon oo Timir ah, dhaqaalaha lagu soo iibiyayna ay bixisay wasaaraddu, waxa Madaxa xarunta Agoomaha ku wareejiyay Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas Saleebaan Jaamac Diiriye oo sheegay inay wasaarad ahaan isu xilqaameen sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen daryeelka ubadkan aggoonta ah ee dawladdu gacanta ku hayso.




Saleebaan Jaamac Diiriye, ayaa isagoo ku hadlay afka Wasaarada sidoo kale balanqaaday inay  Dharka Carruurtan ee Maalinta Iiddana  kafaallo qaadayaan, wasaarad ahaan.




“Anigoo ku hadlay afka Wasaaradda maaliyada waxaanu xarunta Agoomaha ku wareejinaynaa Timir dhan 150 Kartoon oo Wasaaraddu ugu deeqday carruurta, annagoo u rejaynayna carruurtaasna inuu ilaahay caafimaad ku siiyo. Waxaanan balanqaadaynaa inaanu dharkii Iiddana soo raacin doona hadii alle ka dhigo”ayuu yidhi Saleebaan Jaamac.




Agaasimaha Xarunta Aggoomha Caasha Maxamuud Qaalib oo halkaa ka hadashay, ayaa iyaduna dhankeeda ka mahad celisay Taakulada xukuumiga ah ee soo gaadhay, waxaanay tilmaantay inay tani tahay talaabo bilow ah oo u baahan in lagu daydo.




Caasha Maxamuud Qaalib ayaa tidhi “waanu uga mahad naqaynaa Wasaaradda maaliyadda deeqdan illaahay haka abaal mariyo, waa tii ugu horaysay ee nooga timi, waxaanan isleeyahay hada waad isku soo dhawaateen Wasaaradda Maaliyada, waxaanan idhaahdaa wasiirka Maaliyaddu waa ninka sanad kasta Bajadka idiin sameeya, markaa tiibuu ka jawaabay”.




Halkan ka Daawo:




Caawimada




Caawinta Dadka tabaalaysan  iyo danyarta baahan, ayaa ah arrin waajib ah dhinaca diinta iyo dhaqanka labadaba, iyadoo isu khidmaynta noocan ahi laf-dhabar u tahay nolosha kuwa aan haysan Dhaqaale ay ku noolaadaan ama daryeelka kale ee aasaasiga ah u baahan.