Pages

Sunday, July 13, 2014

Jamaal Abu-giza: Wakhtigaa mar toosan marna yeesha tabaalo!!


Jamaal CabdilaahiSida aynu wada ogsoonahay isla markaana ka wada dharagsanahay wakhtigu nina lama dhalan maalin way kuuu toostaa maalina way kaa qalaacataa sida   uu ilahay koreeye kitaabkiisa inoogu sheegay ayaamuhu waxay ku wareegaan dadka dhexdiisa oo laga wado maalin way kuu wacantahay oo waad badhaadhaa maalinka xigana way kaa janjeedhaa oo waxaad waydaa meel aad wax kazoo qabato taasina waa mid waafaqsan sunaha nolosha cid diidi karta ama ka warwareegi kartaana ma jirto.




Carabta ayaa waxay tidhaa (yawmu laka wa yawmu qayrak) taasi  oo macneheedu tahay maalin adigaa iska leh oo way kuu toosan tahay arimuhuna way iskugu kaa tuba dhacsanyihiin saaxiibkaana way ka foorartaa arimuhuna way kakala yaacsan yihiin.




Hadaba hadaan intaasi yar ee hor dhaca ah ka yimaado waxaa lagaaga bahaan yahay laba arimood oo waawayn oo iska soo horjeeda inaad labadaba ku faraxdo isla markaana ku xamdi naqdo ilahayna ugu samirto.




Labadaasi arimood waxaa weeyi marka ilahay kuu nimceeyo isla markaana kuu barwaaqeeyo waa inaad ilahay ugu mahadnaqdaa oo garataa inay tahay imtixaan lagu marinaayo oo lagugu eegaayo dhinaca kale waxaa lagaa rabaa inaad marka ilahay kuu nimceeyo aad hareerahaaga eegto oo aad u naxariisato masaakiinta waayo sida adiga ilahay kugu nimceeyey ayaa iyagana ilahay u siin karaa ee waa lagu imtixaamayaa.




Dhinaca kale hadii ilahay faqiirkaa dhigay waa inaad iyana ku faraxdaa garataana in ialahay kugu imtixaamaayo sidaa ayey wanaag ku tahay ilhayna kaga dul qaadi karaa hadii kale oo dhahdo maxaa ilahay sidan iiga dhigay danbi ayaad ku galaysaa ciqaab ilahayna waad ku mutaysan doontaa hadaad ku samirto oo garato in ilahay kaa dul qaadi karo oo aad isaga ugu shugri naqdo waa kuu barwaaqeeyaa.




Waxaa kale oo aad maciin iyo wheel ka dhigataa salaada iyo samirka waayo ilahay ayaa kitaabkiisa ku sheegay taasi oo dhahay kaalmaysta samirka iyo salaada ilahay waxaa uu lajiraa ama macooda yahay kuwa samra.




Waxaa kale oo nabigu inoo sheegay naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaate hadii ay dadku ilahay talo saran lahaayeen talo saaro dhab ah waxaan u arzaaqi lahaa sidaa  u arzaaqo shimbiraha waayo waxay kalahaan iyagoo bog laalan ama gaajaysan waxay soo hoydaan iyagoo dharagsan.




Walaalayaal hadaad u fiirsato shimbirta meel waxa u yaalaan lama garanaayo ilahay ayuunbaa og isagaana arzaaqa sidaana waxay ku heshay ilahay ayey si dhab ah utala saarataa waanay dhaqaaqdaa sidaasaana ilahay kusoo dhargiyaa.




Hadaba iinaga maxaa la inooga baahan yahay? waxaa la inooga baahan  yahay inaan ku samirno dhibka kasta oo ina soo gaadha ilahayna ugu xamdi naqno taladana saarano waxa yar ama badan ee aynu haysanana  aan ku qanacno.




Hadaad barwaaqo ku jirtana aad iyana ilahay ugu mahad naqno  hadaad labada jeerba sidaa yeeshana ilahay  ayaa xaalada aad ku sugun tahay kuu barakaynaaya if iyo  aakhirana waad guulaysan doontaa walaal  insha allah.




 




W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED (ABU CIZA)