Pages

Monday, July 7, 2014

Taariikh nololeed: Kumuu ahaa Marxuum Cali-maarshaal?


Cali marshaal




Alla ha u naxariistee Marxuum Ali Haji Muxumed Guleed wuxu la dhashay afar wiil iyo afar hablood oo kala ah Marxuum Ahmed, Rashiid, Abdi,Xasan, Faadumo, Xalimo, Ruun iyo Sahra.




Alla ha u naxariistee Marxuum Ali Marshall Malcaamad Quraanta wuxu ka galay Madrasadii sh.




Baraawe. Dugsiga hoosena wuxu ka galay Dugsiga Riis, wuxu intii uu dugsiga hoose ku jiray u wareegay dugsiga hoose ee la odhan jiray Lafadhacay ama (Dumbuluq Iskuul). Halkaas uu ku dhamastay Dugsiga




hoose.




Iskuulka dhexe wuxu ka galay Axmed guray iskuul, isla dugsiga dhexe isagoo ku jira ayuu u wareegay iskuulkii sheikh halkaas oo uu ku dhamaystay Dugsigiisii dhexe badh iyo Dugsigii sii sare sannadka 1967 kii.




Wakhtigaa uu sheikh ku jiray wuxu ka noqday xubin aad u firfircoon, wuxu ka mid noqday boy scouts kii, wakhtigaas ayaa Macalin ka dhigi jiray Dugsiga Sheekh oo lagu naanaysi jiray Gacma dheere ayaa howl




karnimadii dheeraadka ahayd ee uu muujiay iyo quwad iyo jog uu ilaahay u dhaliyay awgeed u bixiyay magaca Marshall.




1967 kii markii uu ka baxay Dugisga sare ee sheikh wuxu shaqadiisii u horaysasy ka qabtay dekeda Berbera oo uu ka noqday Xisaabiye ilaa uu ka gaadhay heer maareeye.




Kadib Eebe naxariisitii jano ha ka waraabaiyee Ali Haji Muhumed Gulaid (Ali Marshall) wuxu door biday in uu iskii u shaqaysto taass uu u leexday xaga Ganacsiga waxanu ka asaasay magaaladda Hargeisa Company la odhan jiray “Hantiwadaag trading Company sannadkii 1970”, waxaanu si aad ah ugu hawl galay hirgelinta Ganacsi Casir Ah oo u badnaa Xoolaha nool, iyo Hargaha. Ganacsigaasi wuxuu gaar u ahaa oon mulkiyadiisa cidi la wdaagin Allah ha u naxriistee Ali Marshall.




1971 waxaa uu ku guulaystay in uu heshiis la soo galo Gancsato reer Kuwait ah in Xoolaha, gaar ahaan adhiga iyo lo’da oo lagu qalay Hargeisa iyo Burco ay Diyaarado iyo Maraakiib ku qaataan, lagana daadgureeyo Madaarka iyo Dekeda Berbera.




Gancsigaas oo qime wayn u lahaa dalka iyo bulshadaba darted waxaa uu Ali Marshall diyaariyey qorshe iyo deraasad uu ku dhisi lahaa goobta qaliinka Xoolaha iyo Hanger Qaboojiye leh oo lagu kaydiyo Hilibka inta rarka ay sugayaan, waxaanu u gudbiyey Dawladdii Kacaanka ahayd si uu ogolaansho ama Ruqsad uga helo. Waa la soo dhoweeyey, waana laga gudoomay Qorshahaasi, waxaana lagu war geliyey in uu go’aanka ogolaansha barnaamijka ka sugo Dawlada Masuulinyinti kacaanka oo xiligaas ugaadhsasnayey figradaha qiimaha leh ee aqoonyanka dalka, isla markaas u diyaar ahaa in ay la wareegaan wax kasta oo manfac leh kuna wareejiyaan cid iyaga u gaar ah waxaa ay go’aaminyeen in Ali Marshall lagala waareego qorshahan ganacsi ee Casirga ah.




Ka dib iyada oo aan warba lagu soo celinin, waxaa deraasaddii iyo barnaamijkii oo dhan lagu wareejiyay gacantana loo geliyay wakaaladda ama Agent Dawladdu lahayd oo la odhan jiray Livestock Development Agency (L.D.A). L.D.A waa ay la wareegtay, waxaana ay ka bilawday control ka Hargeisa, wadada Berbera o baxda dhinnarceeda midig dhisme loogu talo galay Qalinta Xoolaha iyo qaboojiyeyyaal lagu kaydiyo, waana la dhamaystiray iyada oo aan Ali Marshall wax xidhidh ah lala soo samaynin balse loo xoog sheegtay lagana faro maroojiyey ganacisga casirga ah ee uu la yimid.




Xukumaddii kacaanku waxaa ay ku wargelisay Shirkaadhii Kuwait in xilkii iyo heshiiskii ganacasi ay la Galeen Ali Marshall lagu wareejiye Wakaalada, Livestock Development Agent, {L.D.A} kelideedana ay awood u leedahay in ay fuliso Ganacsigassi. Sidaas awgeed, ay la macaamilaan Livestock Development




Agent {L.D.A} keliya, Ali Marshall na uu meesha ka baxay.




Ganacsatadii reer Kuwait waa ay ka biyo-diiday in ay Xuukumad Military ah la yeeshaan wada shaqayn ganacsi, waanay ku gacan saydheen codsiga kacaanka. Halkaas ayaa barnaamijkii dalka iyo dadkaba horumarkooda wax ka tari lahaa ku guuldaraystay. Eebe ha u naxariistee Ali Marshall sababaha kelifay in uu dalka ka dhoofo ayay ka mid ahayd dhacdadani.




Waxaa waxaba kama jiraan ah war ay qoreen Wargeysyada qaar oo sheegaya in Ali Gulaid cid kale ku wehelisay Mulkiyada ama lahaanshaha Shirkadii Hantiwadaag Trading Company, waxaanu ahaa mid asaga keli u ah.




1973 kii akhir kiisi ayuu wuxu tagay Xajka isagoo xilkaas la gudanaya Hooyadii Cambaro Jaamac Nur. Kadib markii uu Xajkii gutay wuxu u dhaafay Abu dhabi.




1974-76 kii wuxu shaqo xisaabiye ah ka bilaabay sharikad la odhan jiray Polling {M.E} sharikadaas oo ingriis ahayd wuxu marxuumku ka gaadhay heer maamule halkass oo Walaalkii Rashiid ka mid ahaa dadka wakhtigaa isla sharikadaa ka shqayaynayay.




Kadib wuxu marxuum ku go’aan saday in uu wax barasho sare doonto waxanu sannadkii 1976 kii tagay dalka Maraykanka.




1976 -1977 wuxu degay Gobolka Ohio magaalada Oxford, Kadib wuxu tagay Gobolka Indiana magaalada Goshen oo uu ka bilaaboy wax barshadiisii u horaysay Collage la yidhaa Goshen Collage.




 Halkaas uu ka dhiganayay muddo sannad ah ilaa iyo 1978 kii isla sannadkaas wuxu u wareegay Gobolka layidhaa Wisconsin magaalada Milwaukee halkaas uu ka galay Jammacada Marquette University.




Wuxu jamacadaas ka dhamystay wax barshadiisa sannadkii 1983 gii bishii August 17 keeddii Halkaas uu ka qaatay Shahaadada loo yaqaan Bachelor of Science oo uu ku qaatay Business Administration takhasuskiisuna ahaa Accounting.




Isla sannadkaas wuxu shaqo ka helay sharikad la yidhaa City Oil Corporation Milwaukee Wisconsin oo uu ka noqday Financial Analyst 06/83-09/84.




Kadib wuxu u soo wareegay Gobolka California magaalada San Jose markii uu shaqo Dawlada ka helay.




03/85 – 05/91 kii wuxuu ka shaqeeyay Santa Clara County San Jose, CA.




Halkaas uu ka noqday Auditor and Appraiser.




African Development Bank, Principal Financial Officer, Abidjan, Cote D’ Ivoire 06/91 – 07 1991 kii ilaa 1998 kii wuxu ka mid noqday mamulayaashii Sare ee Banggigii Horumarinta ee African, markii xaruntiisu ahayd Abidjan dalka Ivory Coast.




Ka dib markii uu ka fadhiistay shaqaddii Bankiga,waxaa uu marxuunku guda galay ganacsi casri ah oo uu ka aasaasay dalka Ethiopia,gaar ahaan Gobolka Haadaame. Waxaa uu Kiryastay ama ijaartay dhul balaadhan oo u qorsheeyey Beero uu ku abuuro Ubax kala ged-gedisan oo uu u suuq-geeyo Dalka Holland oo uu heshiisyo la soo galay.




Mashruucaasi oo uu dhaqaale badan ku maal-geliyey hirgelintiisa,waxaa iska hortaagay dawladda Ethiopia ka dib markii uu dhamaystiray,halkaasi ayaanu ku curyaamay.




Eebe ha u naxariistee Ali Marshaal waxaa uu shil baabuur ku geeriyooday Bishii August 6 deedii,2009,goob ah Duleedka magaaladda Berbera asaga oo ka mid ahaa Mas'uuliyiinta Xisbiga Kulmiye ee soo dhowaynayey Gudoomiyaha Xisbiga Mudane Ahmed Mohamed Siiraanyo oo ka soo laabtay socdaal uu ku tegay dalka Kenya,kana soo degaayey Airportka Caalamiga ah ee Berbera.




Shilkaasi baabuur,waxaa dhaawac culusi ka soo gaadhay Alle ah caafiyee Abdirahmaan Abdulqadir,Gudoomiye-ku-xigeenka labaad ee Xisbiga Kulmiye. Waxaa isnna gacan ka jabay Mohamed Hashi Elmi. Waxaa la socday oo aan waxba ku noqonin shilkaasi Wiil Weriye ah.




Marxuunka, Eebe Janaddii Fardawsa ha ka waraabiyee waxaa si heer Qaran ah loogu Aasay Abaalaha Booqol-jire ee duleedka Magaaladda Hargeisa Bishii August,7deedii,2009.




Eebe ha ka abaal mariyo'e Marxuuku waxaa uu ahaa Qof naxariis badan oo Bulshadda tabaalaysan si hagar la'aan ah u taakuleeya dar-Eebe. Waxaa uu ahaa Beel-daajiye ogaal badan oo ururiya Qaraabada,rixinka iyo ehelka guud ahaan. Waxaa uu ahaa maati-daadihiye had iyo jeer




dan-yarta la saaxiib ah.




Burburkii iyo Dagaalada ka oogmay dalka Hooyo,Ali waxaa uu suurta geliyey;kuna guulaystay in uu dibeda soo daad-gureeyo dad isugu jira,qaraabo,Ehel iyo Asaxaab oo kor u dhaafay 100 Qof si ay u helaan nabad-gelyo,nolol iyo waxbarasho, Eebe godka ha u nuuree qof wal oo marxuunka aqoon u lahaaba,waxaa uu xasuusan karaa murtiddii baroor-diiqda ahayd ee Ali Jama Haabiil in uu ku sifoobay.




02/2000 kii ayuu ku soo noqday dalka maraykanka markii uu shaqo ka helay National Railroad passenger Corp. Halkaas uu ka noqday financial analyst Oakland CA.




Santa Clara Valley Transportation Authority, Capital Projects Accountant, San Jose. CA 01/01-Present




11/2000 Ayuu uga wareegay shaqo kale oo dawlada ah valley Transportation Authority halkaas uu ka noqday Senior Accountant 3, San Jose CA. taas uu ka fadhiistay sannadkii 2009 ka. Si uu umadiisa ugu




shqeeyo.




Waxa uu maraykanka ka baxay sannadkii 09/28/83 ilaa 04/12/84 kii oo uu ka dhoofay New York Kennedy airport halkaas oo uu ka raacay Kuwait airlines. Wakhtigaas uu intii badnayd joogay arabaha iyo far eastka wuxu noqday certified public accountant by Maryland state of public accountancy sannadkii 6th of September 1990.




Wuxu ahaa Certified public accountant {CPA}/ certified Auditor and Appraiser {CPA}/ Certified Fraud examiner {CFE}/ Certified Anti-Money laundering specialist {CAMS} Memberships: Member of government officers finance Association/ Member of American institute of Public Accounting/ Member of American institute of internal Auditors/ Member of Association of Anti-money Laundering specialist/ Member of Association of fraud examiners/ Member of Project Management institute {PMI} .




Wuxu marxuumku ahaa asaasayaashii xusbiga Kulmyie oo uu u huray maalkiisii iyo naftiisiba. Waxanu aha xubin goloha dhexe ah. Waxana loo doortay sannadkii 2009kii bishii july 17 keedii madaxa doorashada gobolada galbeedka ee saaxil, Hargeisa iyo awdal. Wuxu howl badan ka qabtay xisbyga kulmyie. Wuxu xooga saaray sidii uu isagu xidhi lahaa dadka dabada iyo gudadaha si maskaxda debada joogta loogu faaiideeyo dalka Wuxu guursaday saddex dumar ah Amin Yusuf Cige, Fatxiya Omer Fool, Yasmin Zakaale.




Wuxuu ka tagay Afar Caruur ah. Saddexda waawayn Fadimo, Rooble, Geeleh , iyo Mahad. Wuxu awoow u noqday saxddex caruur ah.




Xili ku began bishii July 2005 kii wuxu maalgeliyay kana shaqeyn jiray idaacad u adeegta dannaha Somaliland iyo daryeelka Somaliland. Waxa la odhan jiray Radio Waaberi. Waxa kale uu ahaa asasayaashii Radio Horyaal.




Bishii April 6, 2009 kii waxay madaxda xisbiga Kulmyie soo dhawaynayeen Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ahmed Maxamed Maxamoud “Siilaanyo”. Oo ka soo laabtay socdaal uu ku tagay Kenya.




Waxa halkaas Shil baabuur ku geeriyooday marxuum Ali Marshall. Waxa dhaawac wayni ku gaadhay Allah ha caafiye Abdiraxmaan Abdilqaadir gudoomiyihii ku xigeenkii labaad. Waxa isna gacan ka jabay Maxamed Xaashi Cilmi. Waxa la socday wiil wariye ah oon iagu waxba noqon.




Marxuumka waxa si heer qaran ah loogu aasay Xabalaha Boqol-Jire. Ee duleedka Hargaysas bishii August 7deedii 2009. Cali Jaamac Haabiil. (HA)




Cali Wuxuu gabaygan marshey mar loo soo sheegay geerida nin magac ku lahaa beesha uu Cali ku abtirsado. Isagoo sheegaya wanaagii,deeqdii,dulqaadkii, iyo dadnimadiisii wanaagsanayd wuxuu




yidhi Cali jaamac;




Faaraxow galgaladkaan dhigiyo gama' la'aantayda




Gogoshaan ku jiifsaday hurdada goodkii igu yaacay




Gasiinkii la ii dhigay waxaan gawska uga daayey




Dar guryii ka yimi baa war baas iila soo galaye




Geeridii Xirsay sheegayeen gacal ha waayeene




Goblamooyin waxay ii wadeen guuldarriyo hooge




Gabbal baa u dumey reerihii geliga Booc yiille




Abidkii rag waa go’i jiree tanise waa gaw’e




Lix hal oo u wada gaar ahaa gocanayaa mooyi




Mid weeye haddii lays galoo geel la kala qaado




Gurmad noqonayaa iyo annagu guuto bixinnaaba




Giiryaalihii fule markuu gelelef rooraayo




Rogaalkuu giraangirin ogaa gocanayaa mooyi




Geb hadday maritidu soo tidhaa goor u nala joogo




Godka lagu janneeyow hadduu goosan la carraabo




Garab saar rag weeyee hadduu gogosha soo qaado




Gasiinkii la soo dhigay haddaad gal iyo daad mooddo




Bakhayl baa gammiima'e intuu gaadhka ka qoslaayo




Godolkuu ku haasaawin jirey gocanayaa mooyi




Gar adkaatay, xaajada gurracan, guurti kala maagtay




Haddii geedka laysugu yimaad golaha waayeelka




Waxay gola fardooddaba haddii la isku soo gaadho




Nin waliba hadduu gees damcoo giijo madixiisa




Wax la wada gorfeeyaba haddii la isu geyn waayo




Gaagaabsayaa iyo isagu gees u hadal yaaba




Guddoonkii la wada raaci jirey gocanayaa mooyi




Gugoo da'ay aroosyada haddii gowda laga saaro




Shir girmidha haddii loo kiciyo gob iyo reer aada




Gammaan naaxay heensaha haddii guudka laga saaro




waa gelin is daawada halkii garangar loo joogey




Gole igu bannaanaa wallee garab la'aaneede




Gunnaduu ka soo toocin jirey gocanayaa mooyi




Alla wuxuu golxaalow ahaa gedefka reeraaye




Magaciisu waa gudubsanaa gaaliyo IslaameGalbeed iyo Baraa laga yiqiin




gololkii dheeraaye




Gaashaan biruu noo ahaa gocanayaa mooyi




Adduunyadatan laga guurayo ee gebegebaa taagan




Ee laga galbaday meesha iyo geeridii Maxamed (NNKH)




Anuun baa gubtanyoonaya oo geesigii tebaye




Gartaa u noqday Eebbow ma jiro garangar waartaaye




Allahayow wax badan baan gefaye Adigu hay goynin




Oo geesta Nebigii i mari maanta lays gurayo.




AHMED RASHEED.




tell: 063-4721218