Pages

Tuesday, July 15, 2014

Suuq Ganacsiyeed kale oo ku gubtay Muqdisho xalay


Muqdisho(GNA)-Dab ayaa ka kacay Suuq Ganacsi oo ku yaalla Degmada Wada jir ee Magaalada Muqdisho xalay saacad dambe.




Dabka ayaa gubay Dukaamo waaweyn iyo Hudheelo lagu iibiyo cuntooyinka waddaniga oo halkaa ku yaallay.




ma jiraan dad wax ku noqday dabka, sida uu sheegay Guddoomiyaha Degmada Wada-jir oo Warbaahinta la hadlay.




Maamulka degmada ayaa sheegay inuu dabku ka dhashay Koranto go’day oo dhulka ku soo dhacday, taasoo meel Saliidi ku daadatay ku dhacday, kaddibna qarax samaysay.




Bakhtiinta Dabkan ayaa lagu guulaystay goor-dambe, waxaana u soo gurmaday Gaadiid dab-damis ah oo ay leeyihiin dawladda hoose iyo Shirkaddaha Isgaadhsiinta qaarkood, kuwaasoo maamulka gobolku ku amray inay u gurmadaan suuqan gubtay.




Shirkado Turkish ah oo fadhigoodu yahay Magaalada Muqdisho ayaa iyaguna kaalin mug leh ka qaatay Daminta dabka.




Sidoo kale Ciidamada kala duwan ee Dawladda iyo Amisom ayaa xaga amaanka iyo gacan weynba ka geystay sidii loo bakhtiin lahaa dabka.




Guddoomiyaha Degmada wada jir Mr Afrax ayaa sheegay in ammaanka Suuqa aad loo adkeeyay markii dabku bilaabmay, waxaanu intaas raaciyay in lagu guulaystay daminta goobihii gubtay, inkasta oo uu caddeeyay in khasaare hantiyeed oo badani ka dhalatay.




Dadka waxyeeladda dhaqaale soo gaadhay ayuu ka tacsiyaddeeyay dhibta soo gaartay, waxaanu dadka wax haysta ugu baaqay in gurmad loo fidiyo Ganacsatada Hantidu ka gubatay si ay u soo kabtaan.




Waa Suuqii labaad ee gubta todobaadkan lagu jiro Magaalada Muqdisho, iyadoo habeen saddexaad uu sidan oo kale dab uga kacay Suuq ku yaala degmada Xamar-weyne ee Magaalada Muqdisho.




Dabkaas ayaa gubay  ilaa laba Dukaan oo waaweyn oo halkaas ku yaallay.




Nabad-sugida Degmada ayaa sheegay in dabkaas isna ka dhashay koranto Shoodh qabsaday, manay jirin cid wax ku noqotay dabkaasi, ka sekow khasaaraha soo gaaray Dadka hantida ku waayay.