Pages

Tuesday, July 15, 2014

Madaarka Diyaaradaha ee Tripoli oo laga Madnuucay Duulimaadyada


Maleeshiyaad hubaysan oo mar kale Xalay ku dagaalamay iyo Dad ku dhintay




tripoli




Tripoli(GNA)-Dablay hubaysan ayaa weeraray xalay saacad dambe Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Tripoli ee Caasimada Liibiya.




Hal qof ayaa ku dhintay inta la ogyahay ilaa lix kale way ku dhaawacmeen.




Waa weerarkii labaad ee tan iyo Axadii doraad lagu qaado Madaarkan oo ay gacanta ku hayaan Kooxo hubaysan oo Libiyaan ah.




Gantaalo culus ayaa lagu garaacay, xili ay halkaas ku sugnaayeen Maleeshiyaadka gacanta ku haya Madaarku.




Ilo-wareedyo la shaqeeya laamaha amniga ayaa sheegay in mid ka mid ah Gantaaladu ku dhacay Minaaradii laga hagayay Diyaaradaha, taasoo waxyeello soo gaadhay.




Lama oga ilaa hada inta ay leegtahay Khasaraha soo gaadhay qaybta Diyaaradaha laga hago ee Madaarku.




Madaarka Diyaaradaha ayaa hore looga madnuucay inay diyaarado soo fadhiistaan, kaddib markii uu hoy u noqday gulufka u dhexeeya Kooxaha Reer Libiya ee Caasimada ku hirdamaya.




Dawladda ayaa sheegtay inay ka fekerayso inay dunida waydiisato Kaalmo si ay uga shaqayso sugida amniga dalkaas, ugana sifayso Maleeshiyaadka hubaysan ee ku soo badanaya.