Pages

Saturday, July 12, 2014

Hargeysa: Nin gubay Guri iyo mid kale oo Masaajid dhexdii afar qof ku dhaawacay


Labada dhacdo ayaa kala dhacay Khamiistii shalay iyo Maanta…




guriHargeysa(GNA)-Nin la sheegay inuu qurbaha ka yimi oo xanuunsanaya ayaa la sheegay inuu dabqabadsiiyay guri uu la degenaa Nin kale oo ay walaalo yihiin.




Dhacdadan ayaa ka dhacday Xaafadda Jig-jiga yar ee Magaalada Hargeysa, khamiistii shalay, waxaana gurigaasi bakhtiyya ciidanka dabdamiska dawladda hoose oo u soo gurmaday.




Guriga gubtay ayaa ku yaalla agagaarka Madarasadda Al-irshaad.




Dad goob-joogeyaal ah ayaa Gobanimonews u sheegay in Ninka guriga gubay uu xanuunsanayay, isla markaana uu muddo ka hor dibada ka yimi.




Warku wuxuu intaas ku darayaa inay Guriga hurdeen dad Caruur iyo dad waaweyn isugu jira oo uu ka mid yahay Ninka ay walaalyihiin.




“markii hore waxa uu la hadlay Gabadha uu qabay Walaalkii, waxaanu sitay Mindi  dabadeed gabadhii way ka carartay, isna intuu gurigii galay ayuu qolkii fadhiga Gaas ku shubay oo dab qabadsiiyay”sidaas waxa yidhi goob-jooge ka mid ahaa dadka ay jaarka yihiin qoyska.




Gaadiid badan oo dab-damis ah ayaa ka qayb qaatay bakhtiinta Gurigan oo ay qaybo badani ku gubteen.




Ma jirto cid wax ku noqotay, sida ay goob-joogeyaashu sheegeen “caruurtii waa laga saaray, cid wax ku noqotayna ma jirto”ayuu sheegay Goob-jooge kale.




Dhacdo kale oo ugub ah




Dhinaca kale, nin ku hubaysan tooray ayaa  weerar ku qaaday dad ku tukanayay Masaajid ku yaala xaafadda Sayladda Hargeysa gelinkii dambe ee maanta, waxaanu halkaasi ku dhaawacay afar qof oo uu ku jiro Imaamkii Masaajidku.




Bilayska ayaa gacanta ku dhigay Ninkaasi, markii uu falka geystay kaddib, waxaanay u taxaabeen xabsiga.




Lama sababta uu falkaasi ugu kacay Ninkani, hase ahaatee goob-joogeyaal ayaa ku waramay inuu si kedis ah weerarku u dhacay.




Dadka dhaawacmay ayaa loola cararay Cisbitaalka guud ee Hargeysa si loo dabiibo.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com