Illaahay ayaa mahadleh, Illaahay koriyay ee u wanaag falay ee abuuray
biyaha iyo ciida, illaaha shay kasta abuuray ee indhihiisa aanay ka
qarsoonayn Qunaajada yar ee habeenkii gudaysa ee cilmigiisa ku koobay
Samada iyo Arlada “Waxa ku sugan samada iyo arlada inta u dhexaysa
illaahay ayay u sugnaatay iyo wixii ciida ka hooseyaba, hadalka hadii
aad kor u tidhaahdaan illaahay wuu og yahay sirta iyo wax qarsoonba,
illaahay mooye illaah kale ma jiro isagana magacyadiisu wanaagsan
yihiin” [Suratul Daah-86]
Illaahay (SW) waxa uu abuuray Nabi Adam (CS) waanu imtixaamay wuuna ka
toobad keenay illaahayna wuu hanuuniyay. Waxa uu soo saaray Nabi Nuux
(CS) waxanu amarka illaahay ku sameeyay doon waanay dhaqaaqday. Nabi
Ibraahim waxa uu ka badbaadiyay Dabkii kuleelkiisu uu noqday qabow iyo
nabadgelyo, ku cimra qaata waxaa dhacay.
Waxa la yimid sagaal aayadood Nabi Muuse (CS) fircoona waxba kumuu
qaadan wayay, illaahay ku ayiday Ciise aayado dadku ka wareeray, Nabi
Maxamed (CSW) waxa uu ku soo dejiyay aayado iyo hanuun, illaahay ayaan
ku mahadinaynaa nimcadiisa aan dhamaadka lahayn, N.N. K.H Nabigeeni
Maxamed ee laga soo dhex saaray Maka Nabadgelyo korkiisa ha ahaato
Nabiga iyo Saaxiibkii Abu Bokor kii aan illaahay mooyane cid kale waji
ka doonin iyo Cumarkii uu fikirkiisu toosna isagoo nuurka illaahay wax
ku arkaya iyo Cismaankii guursaday Nabiga hablihiisi mana aha hadal la
been abuuro iyo Inaadeerkii Cali ee ahaa Bada Cilmiga iyo Libaaxi
geesiga ahaa iyo dhamaan ehelkii iyo asxaabtii Rasuulka ee fadligoogu
dadka wada gaadhay, N. N. K.H.
Walaalayaal waxa bilaabmatay Bishii Ramadaan, waana bil weyn oo
illaahay (SW) uu u labanlaabo cidii wanaag la timaada ajarka,
albaabada khayrkana loo furo cid kasta oo jecel, fadliga bisha
ramadaan waa khayr iyo barakooyin, waa bil illaahay u hibeeyay
adoomada wanaagsan fadligeeda.
“Bisha Ramadaan waa tii la soo dejiyay Quraanka oo dadka u ah hanuun
iyo hanuunka oo loo cadaynayo iyo xaqa iyo baadilka oo la kala
saarayo, ka idinka mid ah ee bisha arkaa ha soomo, qofka bukaana ama
safarka ahi ayaamo kale ha soomo illaahay waxa uu idinla doonayaa
fudeyd idinlama doonayo culus si aad tirada u dhamaystirtaan oo
illaahay u weynaysaan sida la idin hanuuniyay, waa in illaahay aad ku
mahadisaan” [Suratul Baqra 185].
Bisha Ramadaan waa raxmad iyo denbi dhaaf iyo naarta oo la iska
xoreeyo, tobanka hore waa raxmad tobanka dhexena waa denbi dhaaf
tobanka denbena waa muuminiinta oo naarta laga xoreeyo, fadligeeduna
waa mid aan inaga qarsoonayn oo leh raadad waaweyn sida ku sugan
xadiisyada.
Abu Hureera (RC) waxa uu Nabiga (CSW) ka soo weriyay marka ay timaado
bisha ramadaan (Waxa la furaa albaabada janada kuwa naartana waa la
xidhaa shayaadiintana waa la xidhaa), waxa loo furaa albaabada Janada
bishan camalka wanaagsan ay la imanayaan muumiintu, waxana loo xidhay
albaabada naarta xumaanta ku yar muuminiinta, shayaadiintana waxa loo
xidhaa xumaanta ay la dhex jooga dadka.
Abu Hureera (RC) waxa laga soo weriyay in uu Nabigu (CSW) yidhi:-
(Umadayda waxa la siiyay shan arimood oo aan la siin umadii inaga
horeeyay, 1, Luunka ka muuqda qofka sooman afkiisa illaahay agtiisa
waxay ka udgoontay miskiga, 2 Malaa’iigtuna ilaa inta ay afurka
gaadhayso illaahay ayay denbi dhaaf u weydiiyaan, 3 illaahay maalin
kasta waxa uu qurxiyaa janada waxana uu ku yidhaa “adoomadayda
wanaagsan dhibaato ayay soo marayaan si ay ku soo gaadhan”, 4 waxana
la xidhaa shayaadiinta oo iyagu marna aan deyn xumaanta, 5 habeenka
ugu denbeeyana waa loo denbi dhaafa waxa lagu yidhi Rasuulkii illaahay
ma laylatul qadrigaa? waxa uu yidhi maya laakiin qofka camal wanaagsan
la yimaada wax loo kordhiyaa ajarkiisa marka uu camalkiisa dhameeyo).
Walaalayaal shantan arimood ee illaahay (SW) ina siiyay ee bisha
ramadaan khaaska inooga dhigay ee umadii kale ee inaga horeeyay la
siin, illaahayna uu inagu galaday si uu inoogu dhamaystiro nimcadiisa,
imisa ayuu illaahay nimco iyo fadli ina siiyay? “Waxaad tihiin umadii
ugu khayrka badnayd ee dadka loo soo saaro waanaaga ayaad is faraysaan
xumaantana waad iska hor joogsanaysaan illaahayna waad rumaynaysaan,
ehlu kitaabku hadii ay illaahay rumeeyan khayr ayay u ahaan lahayd
badhkood waa muuminiin badankoodna waa faasuqiin” [Suratul
Cimraan-110].
Koowad
Qofka sooman Luunka ka muuqda qofka sooman afkiisa urta miskiga way ka
wanaagsan tahay illaahay agtiisa waxana is badalaysa urta marka
cuntadu ka dhamaato caloosh, dhinaca dadku waa mid karaahiyo leh
laakiin illaahay agtiisa waxay ka wanaagsan tahay miskiga waxana
keentay u hogaansanan iyo cibaada illaahay, dhamaan shay kasta oo
cibaadada illaahay iyo adeecidiisa ah illaahay wuu jecel yahay, waxana
uu u gargaara qofka la yimaada wax ka khayr iyo fadli badan, miyaydaan
arag Shahiidka u dagaalama illaahay dartii ee doonaya in ay kalmada
illaahay sarayso waxa uu yimaada Qiyaamaha halka uu ka dhaawacmay
kiiyo dhiigu ka da’ayo oo ay leedahay urta miskiga oo kale, Xajkana
dadka taagan illaahay (SW) waxa uu ku yidhaahdaa Malaa’igta “Eega
kuwaasi waa adoomadaydi oo icaabudaya iyagoo daal iyo boodh ka muuqdo”
waxay u soo galeen dhibaatadan jacayl ay illaahay u qabaan waxana ay
furfurcooni gelinaysaa illaahay adeecidiisa waxanay ka dheeranayaan
waxyaabaha loo diiday.
Labaad
Malaa’igta oo denbi dhaaf u waydiisa Saa’imiinta ilaa inta ay
afurayaan, Malaa’igtu waa adoomo illaahay agtiisa karaamo ku leh “Ma
caasiyaan waxa illaahay ku amray waanay fuliyaan waxa lagu
amro”[Suratul-Taxriib-6], illaahayna wuu ka aqbalyaa wixii ay
waydiistaan iyaguna waxay illaahay denbi dhaaf u weydiiyaan adoomada
sooman, denbi dhaafkaas oo ah in dunuubto muumiinta illaahay asturo
aduunyo iyo aakhiroba, waana u jeedada uu ugu jecel yahay adoonkasta
oo khaldamaa in la asturo ceebtiisa.
Sadexaad
Illaahay (SW) maalin kasta waxa uu qurxiyaa Jannada si loogu soo
dhoweeyo adoomada muuminiinta iyagoo lagu dhiiri gelinayo sidii ay u
gaadhi lahaayeen Janada oo ay ka sokayso dhibaato iyo howl adag, taas
oo ah camalka wanaagsan ay samaynayaan aduunyada akhirona ay ku
gaadhayaan Jannada.
Afraad
Shayaadiinta oo lagu xidh-xidho silsilado si aanay ula soo gaadhin
adoomada wanaagsan halaynta ay xaqa ka luminayaan si ay khayrka ugu
sugnaadaan, taasina waa gargaar illaahay markii uu ka xidhi-xidhay
cadhowgoodi doonayay in ay noqdaan xusbigiisa ay cadaabta ula galaan,
sidaas ayayna dadka wanaagsani ku jeclanayaan khayrka bisha ramadaan
iyo inbadan oo kaleba.
Shanaad
Illaahay (SW) waxa uu u denbi dhaafa umada Nabi Maxamed (CSW) habeenka
ugu denbeeya bisha ramadaan marka ay soo gabogabeeyaan waajibaadkii
bisha ramadaan, cibaadada habeenada ugu denbeeya waxa loo labanlaaba
ajarkooga marka ay soo gabo-gabaynayaan camaladooda, waayo, qofka hawl
hayaa waa loo labanlaaba abaalmarintiisa.
Fadliga iyo Ajarka Illaahay (SW) Adoomadiisa siiyay waa Sadex Waji
Koowaad
Illaahay (SW) waxa uu ku waajibiyay in ay la yimaadaan camal wanaagsan
oo sabab u noqonaya denbi dhaaf ay helaan iyo darajadooda oo kor loogu
qaado, hadii illaahay arrinkaa waajibin illaahay lama caabudeen,
cibaadada lagama soo qaato meel aan ahayn waxyiga illaahay ku soo
dejiyay Rasusha, sidaas ayuu illaahay u diiday cid aan isaga ahayn oo
sharci samaysa cida kale ee sharci samaysaana ay u noqdeen kuwa
mushrikiin ah, “Ma waxa u sugnaaday kuwa kale oo sharci u dejiyay
iyaga oo aanu illaahay u ogalaan, hadii ay jirto kalmad wax kala
saaraysa way ku kala bixi lahaayeen, daalimiinta waxa u sugnaaday
cadaab qadhaadh” [Shuraa-21]
Labaad
Illaahay (SW) waxa uu waafajiyay muuminiinta camalka wanaagsan ee ay
ka tageen in badan oo dadka ka mid ah, haddii aanu illaahay waafajina
lamay yimaadeen taasina waa fadli illaahay ku manaystay, “Way kugu
mano sheeganayaan in ay islaameen, ku dheh ha igu mano sheeganina
islaanimadiina illaahay ayaa idinku manaystay in uu idinku hadeeyo
iimaan haddii aad tihiin kuwa run sheegaya”[Xujraad-17]
Sadexaad
Illaahay waxa uu ku fadilay ajar faro badan qofka wanaag la yimaada
toban jeer ayaa loo labanlaaba ilaa 700 boqol oo jeer waana fadli
illaahay, qofka camal wanaagsan la yimaada abaalmarinta la siinayo
illaahay baana mahadaa leh.
Walaalayaal: Qofka gaadha Bisha Ramadaan nimco weyn ayuu la kulmay
waana qofka xaqeeda guta ee ka taga xumaanta badiyana xuska illaahay
lana yimaada toobad, hadaba qofkii denbi iyo xumaan samaynayo illaahay
u tooban keen oo badi akhriska quraanka kordhina dadaalkaaga iyo
tasbiixda akhriskeeda.
Imisaad garanaysaa oo soomay sannadadii hore? Ama aan soo gaadhin
ramadaanta oo uu moodku ka soo gaadhay, illaahayow naga baraaruji
mugdiyada qaflada oo na waafaji cabsidaada intaanan qabriga gelin,
illaahayow nagu arsaaq ka faa’iidaysiga wakhtiga marka muhmalka,
illaahayow denbigayaga dhaaf iyo kii waalidiintayagaba iyo dhamaan
umada muslimka ah, illaahayow raxmadaada ayaan ku weydiisanaynaa cid
naxariisata adiga ayaa ugu naxariis badan, N.N.K.H Nabigeeni Maxamed
isaga iyo ehelkiisi iyo asxaabtiisi iyo dhamaan cidii wanaaga ku
raacda ilaa maalinta qiyaamaha.
AHMED RASHEED.