Monday, July 7, 2014

Burco: Bakhaarkii Al-xarbi oo caawa mar kale gubtay


Saraakiisha Dawladda ee Gobolka iyo Maamulka Al-xarbi way diideen inay ka hadlaan sababta dhalisay Gubashada




burcoBurco(GNA)-Dab ayaa mar kale ka holcay Bakhaar Shirkadda Al-xarbi ku lahayd Magaalada Burco oo dhawr habeen ka hor gubtay.




Hanti fara badan oo Shirkaddu leedahay ayaa ku gubtay istoodhkaasi, taasoo boqolaal kun oo dollar lagu qiyaasay.




Caawa Abbaaro tobankii caweysnimo ayaa mar kale dab ka kacay dhismihii oo ay yaalleen hadhaagii Alaabooyinkii ku gubtay oo aan laga gurin.




Lama oga sababta dhalisay dabkan, hase ahaatee waxa la aaminsanyahay inuu ka dhashay hadhaagii baddeecadaha gubtay, sida ay Gobanimonews u sheegeen dad goob-joogeyaal ah.




Gaadiid badan oo dab damis iyo kuwo kale oo caawinaya isugu jira ayaa ka qayb qaatay bakhtiinta dabkan markii labaad ka holcay Bakhaarka Al-xarbi oo ku yaallay ka soo hor-jeedka Taalada Sheikh Bashiir ee Magaalada Burco.




Wakhti badan ayay qaadatay in la bakhtiiyo dabkan oo markii labaad sigay dhismeyaasha ku hareeraysan.




Ma jiraan dad wax ku noqday gubashada kale ee Bakhaarka.




Saraakiisha ammaanka ee Gobolka, maamulka Degmada iyo masuuliyiinta Shirkadda Al-xarbi oo ay wariyeyaasha Gobanimo isku dayeen inay wax ka waydiiyaan ayaa ka gaabsaday, inay wax tafaasiil ah ka bixiyaan sababta dabkan dambe dhalisay.




Laakiinse wariyeyaasha waxa loo sheegay inay Madaxda Shirkaddu hore u diideen in meesha laga guro qashinka iyo walxaha ka hadhay gubashadii hore.




Wali wax natiijo ahi kama soo bixin baadhista sababta markii horeba uu dabku ka dhashay oo ay Bilaysku sheegeen inay baadhayaan.




Tani waxay u muuqataa dhacdo ka jawaabisteeda lala daahay si Hantileyaasha Khasaaruhu ku dhacay loo qanciyo.




Gubashada noocan ahi waa dhacdo ku cusub Magaalada sababtoo ay tahay hore looma arag Dhisme gubtay oo hadana mar kale muddo dhowr maalmood ah kaddib dab ka kaco.




Dabka ayaa xiligan oo kale si fudud u fida hadii meel qabsado, dabayl xagaaga dhacaysa awgeed.




Gobanimonews




Burco Office