Pages

Thursday, July 10, 2014

Dugsiga Abaarso Tech Oo Munaasibad Sagootin Ah U Qabtay Arday Deeq Waxbarasho Ah Ka Heshay Qaar Ka Mid Ah Wamada Debada Iyo Nuxurka Khudbadihii Laga Jeediyey Munaasibada.


Hargeysa(GNA):-Dugsiga Abaarso Tech ayaa munaasibad sagootin ah u qabtay arday  uu dugsigaasi deeq waxbarasho oo iskugu jirta jaamacado iyo dugsiyo sare uga helay wadamo ka tirsan Amerika iyo Yurub.




Munaasibada sagootinta ah ee loo qabtay ardayda oo ka dhacday magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay wasiir ku xigeenka shaqada iyo arimaha bulshada, la taliyaha madaxweynaha ee arimaha haweenka, masuuliyiin ka tirsan dalada haweenka ee Nagaad, guddida waalidiinta iyo marti sharaf kale, iyada oo ay gacan dhaqaale ka gaysteen   dallada Nagaad, Candle light, CCS iyo Waapo.




DSC02283




Ardayda munaasibada sagootinta ah loo sameeyey ayaa deeq waxbarasho ka helay wadamada USA, Jarmalka, Japaan, China,Qadar,Norway,Koonfur Africa, iyo




Kenya  kuwaas oo waxbarashadoodu noqon doonto mid jaamacadeed iyo mid dugsiyo sare ah, kuwaas oo tiradoodu tahay 23 arday oo 9 gabdhood iyo 14 wiil ah.




Ugu horayna waxa munaasibadan ka hadlay  Agaasimaha dallada Nagaad Marwo Nafiisa Yuusuf waxaanay u hanbalyeysay  guud ahaanba ardayda ku guulaysatay  deeqdan waxbarashada ah, waxaanay kula dardaarantay inay ka faa,iidaystaan fursadaas ay heleen.




 La taliyaha madaxweynaha ee arimaha haweenka marwo Amaal Xaaji Miisaan taas oo soo dhawaysay ardaydan ku guulaysatay deeqda waxbarashada ah, waxaanay dugsiga Abaarso ku amaantay dedaalka ay ugu jiraan horu marinta waxbarashada.




DSC02292(2)




Wasiir ku xigeenka shaqada iyo arimaha bulshada Somaliland marwo Shugri Xariir Ismaaciil oo iyaduna ka hadashay munaasibadan ayaa sheegtay in loo baahan yahay in dugsigaasi lagu garab istaago dedaalka uu ugu jiro horu marinta waxbarashada, waxaanay ku soo jeedisay guud ahaanba ardayda ku guulaysatay deeqdan waxbarashada ah inay ka faa,iidaystaan.




 Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay qaar ka mid ah ardaydii hore ee deeqda waxbarasho ku baxay oo haatan wadanka Fasax ku jooga, waxaanay ardayda haatan ku guulaysatay deeqda waxbarasho uga warameen waayaha yaala wadamada qurbaha, waxaanay kula dardaarmeen  inay ka faa,iidaystaan deeqdan waxbarashada ah.




 Sidoo kale Sahra Aw Ciise oo ku hadlaysay afka ardayda ku guulaystay deeqdan waxbarashada ah ayaa uga mahad celisay masuuliyiinta dugsiga Abaarso Tech taas oo sheeegtay inay dedaal badan u galeen sidii ay deeqdan waxbarashada ah ugu keeni lahaayeen ardayda.




Dugsiga Abaarso Tech ayaa kaalin muuqda kaga jira waxbarashada wadanka, waxaanu arday badan deeq waxbarasho ah uga helay wamada debada ah.