Pages

Thursday, June 5, 2014

Xukuumadda oo Xarumaha TV-ga Qaranka & Radio Hargeysa dul-dhigtay Miletari iyo Tikniko


Barmaamujyada lagu buun-buuninayo Musharaxnimada Madaxweyne Siilaanyo oo shaqaalaha Gobollada lagu amray iyo Albaabka Wasaaradda oo laga madnuucay dadka caadiga ah…




Dadka dhexdhexaadka ka ah Khilaafka Xisbiga iyo Madaxweynaha oo ka walaacsan borobagaandada Warbaahinta Dawladdu kicinayso oo docwareemaysa odeyeynta Guurtida.. Warbixin




cukuseHargeysa(GNA)-Ciidan Milteri ah oo tiro badan iyo tiro gaadiidka Gaashaaman ah, ayaa la geeyey xarunta Wasaaradda Warfaafinta Somaliland ee Magaalada Hargeysa, todobaadkan, kuwaasoo la sheegay in xoojin dhanka amniga ah loo dhigay halkaas.




Wasaaradda Warfaafinta ayaa ka baxsan Xaafadda Shacabka ee ay Xafiisyada Dawladdu ku yaalaan, waxaanay degentahay halkii lagu aasaasay Ideecada Radio Hargeysa oo ah goobta Caanka ku ah Magaca Ideecadda, halkaasoo intii dalka lagu soo noqday suuqyo Ganacsi oo waaweyn laga sameeyey.




Ciidanka Milateriga ah ee la geeyey Xaruntan Wasaaradda , ayaa gudaha wasaaradda la geliyay, waxaanay ilaaliyaan dhismeyaasha Telefishanka Dawladdu ku jiro iyo albaabka laga soo galo  TV-ga oo la xidhay.Ciidamooo




Gawaadhida Tiknikadda ah,iyo askarta ayaa lagu xareeyey gudaha dayrka labada xarumood ee warbaahintu ku yaalaan, gaar ahaan Istuudiyayaasha Telefishanka.




Gelista Albaabka Wasaaradda




Sidoo kale, albaabka laga galo Wasaaradda ayaa laga madnuucay inay soo galaan dadka aan ahayn Shaqaalaha Wasaaraddu, hadii aannu ahayn masuul ama masuul ka soo deyn askarta Bilayska ah oo amar lagu siiyey  inaanay qof aan shaqaale ahaan u sii deyn gudaha wasaaradda.




Wariye ka tirsan Gobanimonews, oo booqday xarunta Wasaaradda, ayaa Askarta  gaadhka ku jirtay ay u caddeeyeen in amar lagu siiyey inaan cidna loo ogolayn gelista gudaha wasaaradda, xataa qofku hadii uu muraad u leeyahay Madaxda.




Dhowr qof oo  bahda warfaafinta ee madaxbanaan ka tirsan ayaa laga celiyay inay albaabka intii wariyuhu ku sugnaa goobta, waxaanay askartu ku qancinayeen inaan qof shaqaale ah loo ogolayn inuu qof aqoonin ah dhaafiyo.




Amniga wasaaradda waxa hore ugu xilsaarnaa ciidan bilays ah oo Rug ku leh, halkaasi, laakiise keenista Ciidanka Milteriga ah, ayaa ah arrin ugub  ah, waxaanay xaasaasiyad iyo dareen cabsi leh ku beereen Shaqaalaha Wasaaradda oo tiro badan, isla markaana shaqeeya hadh iyo habeenba.




Wararka aanu helnay ayaa qaarkood tibaaxayaan in Askar bilayska wasaaradda ka tirsan Shaqada lagaga bedelay, inay dad albaabka ka soo daayeen,kuwaasoo cabsi lagu geliyay kuwa kale ee shaqada ku hadhay.




Sabab cad lama hayo ilaa hada ujeedada ka dambeysay talaabada koofiyad casta lagu geeyey xarunta Warbaahinta dawladda, hase ahaatee ilo-wareedyo madaxbanaan oo Gobanimonews heshay, ayaa tilmaamaya in loogu talo-galay xoojin dhanka amniga xarunta ah.




Ilo-wareedyada ayaa intaasi ku daraya in askartan milteriga ah la keenay Wasaaradda intii Khilaafka Kulmiye soo kordhay, taasoo lagu fasilayo inay ka dhalatay cabsi nabad-gelyada xarumaha dawladda ee warka gudbiya ah soo foodsaartay, taasoo Masuuliyiinta wasaaradda oo dhinac la safan garabyada is hayaa, ka baqayaan mudaharaadyo lagu diidanyahay u ololeynta Madaxweyne Siilaanyo ee Telefishanka ka socota.




Abaabul Waji ku macaash ah




Warbaahinta Dawladda ayaa sidii khilaafka kulmiye u bilaabmay laga baahiyaa Barmaamujyo iyo warar joogto ah oo lagu Taageerayo Musharaxnimada Madaxweyne Siilaanyo iyo kulamada ay qabsadaan garabka Kulmiye ee Madaxweynuhu, halka dhinaca Muuse Biixi lagu daray liiska xisbiyada Mucaaridka ah iyo xulafaddooda oo ay ka madnuuc ahaayeen dhaliilaha ay dawladda u soo jeediyaan.




Wararka lagu taageerayo Madaxweyne Siilaanyo oo ah kuwo abaabulan oo Gobollada oo dhan laga waddo ayaa dadka maslaxada Xisbiga danaynayaan ku tilmaamayaan inay doc wareen ku tahay dhexdhexaadinta socota.




Wasiir Cukuse




Dhinaca kale, Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo la sheegay inuu si joogto ah isha ugu hayo labada gelin ee maalintii macluumaadka ka baxaya Telefishanka  iyo Idaacadda dawladda, kaasoo aamini waayay dadkii ka shaqaynayay , isla markaana ilaalinaya inay ka baxaan warar lid ku ah Ololaha Xukuumaddu ku gelbinayso Madaxweynaha Kursiga ku fadhiya si uu shanta sanaddood ee kalena isu soo sharaxo.




Masuuliyiinta Wasaaradda oo aanu isku daynay inaanu wax ka waydiino waxa kalifay arrimahan isbarkan ee Wasaaradda ka taagan, ayaanay noo suurto gelin inaanu helno, gaadhista xafiisyadooda oo ah sidan aan kor ku soo xusnay.




Dhexdhexaadiyayaasha Kulmiye




Si kastaba ha ahaatee talaabooyinka Taageero muujiska ah ee Wasaaradda looga sameeyo Madaxweyne Siilaanyo oo ah kuwo sida muuqata Khilaafka sii hurinaya, buun-buunin dhinac ahna u samaynaya qayb ka mid ah labada garab ee is haya iyo Milaterigan xarunta la keenay ayaa muujinaysa dareen xiisada taagan saameyn ku leh, sumcada iyo hadafka loo sameeyay warbaahinta dawliga ahna xumaynaya.




“hadii lala kala safto dhinacyada is haya waxay noqonaysaa arrin buun-buunin ah oo wuxuun sii fogaynaysa ee waxba kuma hagaagayaan, markaan waxaan ku talin lahaa in Guurtida loo daayo arrinka”sidaasi waxa Khilaafka dawladdu hurinayso kaga talo bixiyay Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Somaliland Xasan Ciise Jaamac oo warbaahinta la hadlay.




Aragtida noocana ayaa ah mid bulshada iyo indheer garadka dhexdhexaadka ka ah muranka hogaanka Xisbiga iyo Madaxweynaha u dhexeeya ka simanyihiin.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com




Aragtidaada ka dhiibo fadlan akhriste warbixintan