Hargeysa(GNA)-Odayaal iyo Madaxdhaqameedyo ergo ka ah xadhiga Wasiir ku xigeenkii hore ee amniga Cabdilaahi Abokor ee la xidhay, ayaa shalay la kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde oo loo tirinayay inuu amray hawl-galkii foosha xumaa ee lagu soo qabtay Jimcihii la soo dhaafay.
Cabdilaahi Abokor, ayaa Ciidamada gaarka u tababar ee RRU-da, gurigiisa ugu daadteen saacad dambe habeenkii jimcaha ee la soo dhaafay, halkaasoo ay ku dhaawaceen mid ka mid ah Ilaaladiisa gaarka ah, waxyeellona xooganna u geysteen guriga uu degenaa oo ay rasaas la dhaceen.
Sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen ilo-wareedyo kulanka u dhuun daliilaa, Wasiir Waran-cadde ayaa ergada deegaanka uu ka soo jeeddo Wasiir kux-geenka hore oo uu hogaamineyey Suldaan Dalab, waxa uu u muujiyay inuu aad uga xunyahay qaabka loo soo qabtay Masuulkan hore ee ay wasaaradda Daakhiliga ka wada shaqaynayeen.
Cali Maxamed Waran-cadde oo maalintii la soo qabtay Cabdilaahi Abokor shirjaraa’id qabtay subaxnimadii hore, ayaa walaac ka muujiyay qaabka ninkaasi gurigiisa iyo qoyskiisa loo galalafay, waxaanu ku doodday inay talaabadaasi ka dhalatay, isdifaacistii uu kala hor yimi Askarta.
“waan ka xumay waxyeelada soo gaadhay ninkaa aanu saaxiibka ahayn oo aan ixtiraam iyo qadarin badan u hayey”ayuu yidhi Waran-cadde jimcihii la soo dhaafay.
Ergada Beesha uu ka soo jeeddo Cabdilaahi Abokor, ayaa sidoo kale wasiir Waran-cadde waydiiyey sababta uu u soo eegi waayay Gurigii laga soo qabtay oo ay waxyeelo badani soo gaadhay dhismihiisa iyo agabkii gudaha yaalay oo rasaas iyo Bombo faal askartu la dhacday.
Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen Wasiir waran-cadde oo garowshiyo ka bixiyay labadan qodob ee ay Odayaashu hor dhigeen, ayaa ku andacooday inaanu xaaladaha ninkaasi u xidhanyahay waxba ka qaban Karin, isuna dhaafiyey dhanka Madaxtooyada.
“wuxuu Odayaasha ku qanciyey inuu Madaxtooyada arrintooda gaadhsiin doono, una fududeyn doono sidii ay Madaxweynaha u heli lahaayeen, si ay ugala hadlaan”sidaas waxa Gobanimo u sheegay mid ka mid ah Ilo-wareedyada aanu warka ka helnay.
Soo qabashada Wasiir ku-xigeenkii hore ee xidhan ayaa horeba loo aaminsanaa inaanu xogogaal u ahayn Wasiirka arrimaha gudaha Maamulaa.
Eeddeymo culus oo uu soo jeediyay Wasiirro xukuumada ku jira ayaa ugu weyn sababaha loo xidhay, iyadoo si cad loogu tirinayo inuu qabashadiisa amray Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Cali.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com