Pages

Friday, June 6, 2014

warqad furan oo ku socota Madaxwayneha iyo Gudoomiye Muuse Biixi


Warqad Furan Kusocta  Madaxwaynaha JSL Mudane Ahmed Mohamed Mohamoud Silaanyo
 Guddoomiyah Xisbiga Kulmiye Muuse Bixi Abdi

Ugu horayn waxaan soo dhawaynayaa dhexdhexaadinta Golaha Guurtida iyo Guddoomiyahooda Saleebaan Maxamuud Aadan waxaan leeyahay alle ha idinku guuleeyo hawshaad wadaan. Intaa ka bacdi waxaan labada dhinac xasuusinayaa inay aqbalaan si buuxda Go’aamada ay ka  soo saaraan khilaafkiina.

Ta koowaad waxaan Madaxwayne kuu soo jeedinayaa oo aan isleeyahay fikradayda wadaaji kuna badbaadinayaa in aan idhaahdo Guddoomiye Muuse Biixi ha ka tanaasulo  oo ha kuu daayo musharaxnimada shanta sano ee soo socota ee xisbiga Kulmiye oo yaanu kuugula taratamin oo hakugula shaqeeyo taana muranka lagu saaro.

Taa bedel keedaan aad Muuse Biixi si buuxda oo madax banaan ugu wareejisaan

Hogaan ka xisbiga Kulmiye adiguna aanada awoodihiisii waxba kala hadhin awoodahaas oo ah ku wii aad adigu markaad gudoomiyaha ahayd haysatay oo aad ugu dartid waliba musharaxa igu xiga ee iga danbaynaya shanta sano ee danbe waa Muuse BiixiCabdi,taana qoraal markhaati leh la idiinku kala qoro si aan mardanbe buuq iyo  isqabsi usoon noqon sidaana ha lagu wada doono kal soonida iyo midnimada bahwaynta Kulmiye.

Ugu dan bayn waxan ka codsanayaa Madaxwaynaha Jamhuuriyada Soomaaliland iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye inay xasuustaan taariikhda ka dhexaysa iyo waayahay soo wada mareen isuna tanaasulaan wadaniyada iyo Xisbiguba waxqabadka xukuumaduna aanay u baabi’in .

Aakhitaan kii Madaxwayne heshiiska kadib waa in la mideeyaa Taageerayaasha iyo xubnihii Xisbiga aad soo dhistaan xukuumad mid nimo xisbi oo kabooban Kulmiyaha dibada jooga iyo kuwa madaxtooyada jooga gacmahana ha la iswada qabsado
Waxaa Qoray Aqoon Yahan:
Axmed Ciga Yare