Nairobi(GNA)-Hogaamiyaha mucaradka kenya ayaa bilaabey olole kadhan ah dowlada uu hogaamiyo Uhuru Kenyatta.
Hogaamiyaha Mucaaradka kenya Raila Odinga ayaa booqday maanta xafada islii ee magalada Nairobi, halkaasoo bishii la soo dhaafay dhibaatooyin badan loogu geystay dad badan oo Somali ah.
Waxa wadooyinka xaafada islii isugu soo baxay kumanaan ruux oo dhagaysanayey qudbada raila odinga ka jeediyey halkaas.
Waxa xaafada mudo laba bilood ah kasocday hawl gal dowladu ku sheegtay inay ku sugayso amnig.
Raila odinga ayaa sheegay inuu ka xunyahay dhibatada ku dhacday somalida xafada islii, waxaanu intaasi ku daray in sugida amniga tahay mid u taala dowlada.
Raila odinga ayaa dib ugu soo laabtey dalka kadib mudo saddex bilood ah oo uu maraykan ku maqna raila odinga ayaa bilabey olole kadhan ah dowlada oo u sheegay inay ku fashilantay howshii loo igmaday.
Bboqashada raila odinga ayaa kusoo beegmaysay xili xafada islii laga dareemayo faruq markii somali badan laga qabqabtey xaafadan, kuwaasoo badhkood lagu celiyey dalka Soomaaliya.

Cabdiraxmaan buurdhaab
Gobanimonews/ kitale Kenya