Pages

Friday, June 6, 2014

Soomaaliya iyo Kenya oo mar kale ka wada hadlaya dib u celinta Xaqoontiga


Somalia todobaadkii hore qaadacday Shir saddex geesood ah oo Kenya ka qayb-galayso..




KRNMuqdisho(GNA)-Kenya iyo Soomaaliya ayaa u balansan inay mar kale ka wadahadlaan celinta xaqootiga Soomaaliyeed ee ku jira Xeryaha ku yaala Kenya .




Dawladda Somaliya ayaa todobaadkii hore ku gacan saydhay kulan saddex geesood ah oo ay wada yeelan lahaayeen Kenya iyo Jimciyada quruumaha ka dhexaysa laanteeda qaxoontiga qaabilsan, kaasoo looga hadli lahaa arrintan.




Dawladda Xasan Sheikh Maxamud ayaa Shirkaasi diiday inay ka soo qayb-gasho, iyagoo ka biyo diidsan qaabka ay Kenya ula dhaqantay Mawaadiniinteeda lagu soo celiyay dalka.




Soomaaliya ayaa ku doodaysa in lagu xad-gudbay xuquuqda qaxoontiga Soomaalida ah, kuwaasoo xoog lagu soo celiyey iyagoo aan dalban inay dib ugu laabtaan dalkooda.




Labada dhinac ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay 15 Bishan June ku kulmaan Nairobi si ay uag wada xaajoodaan arrinta laysku mari la’yahay.




Kenya ayaa ku doodaysa in soomalida dalkeeda joogaa caqabad ku yihiin amnida, isla markaana kooxaha argixisada ah ee Somalia ka dagaalamaa ugu soo dhex dhuumanayaan qaxoontiga.




Soomaaliya ayaa dhankeeda ku doodaysa in wakhti ku haboon oo dawladdu ka diyaar garowdo la soo celiyo qaxoontiga.




“Dadkaa qaxoontiga ah kuwii ku dhashay ayaa maanta xaasas leh, waa dad intaas dalka ka maqnaa, waxay u baahantahay in wakhti ku haboon oo dalkii lagu soo celin karo la soo raro, laakiinse sidan iminka dhacday maaha si qurux badan oo aanu ka raali nahay”sidaas waxa ideecadda BBC-da u sheegay Wasiirka arrimaha dibada Somalia Cabdiraxmaan Bayle.




Bayle ayaa intaas ku daray “shirkaa kamaanu bixin ee dib hanaliuugu dhigo ayaanu nidhi shirkaa,waxbaan qoonsanay waxaanu qonsanay markii aanu aragnay inaan habka dadka loo soo guray waafaqsanayn nidaamka caalamiga ah, waxay nala noqotay inaan shirku wax macno ah samaynayn.




Waxaanay ahayd in si wanaasgan dadka loola dhaqmo oo ugu yaraan si sharaf leh loo soo dhoofiyo, laakiinse waxa dhacay may ahayn wax qurux badan, iminka waanu ku qasbanahay waayo dad badan ayaa naga jooga meesha, markaa waxaan codsanay in shirka dib naluugu dhigo”ayuu yidhi Wasiir Bayle.




Kumanaan  qaxoonti Soomaaliya ka qaxay ah ayaa ku jira xeryaha Qaxoontiga ee Kenya, kuwaasoo ay gacanta ku hayeen Hay’adaha QM.




Dawladda Kenya ayaa  bishii April ee la soo dhaafay bilowday olole ay ku soo celinayso dadkaasi qaar ka mid ah, khaasatan dadka bilaa sharciga ah ee soo galay magaalooyinka waaweyn.




Talaabada ayaa ka dambeysa cabsi dhanka amniga ah oo soo foodsaartay Kenya, kaddib markii ay xooggaga Al-shabaab ee Soomaaliya ka dagaalamaa weeraro ismiidaamin ah iyo kuwo toosa ka fuliyeen dhawr magaalo oo ku yaala dalkaas.




Bilayska Kenya ayaa dad badan oo Soomali ah ka soo qab-qabtay Suuqa Ganacsiga ee Xaafadda islii ku yaala.




Kudhawaad kun qof ayaa bilihii la soo dhaafay laga soo celiyay dalkaasi.




Qaarkood ayaa Booliska Kenya waxyeelo u geysteen naftooda iyo hantidoodii labadaba.




Hase ahaatee hogaamiyaha Mucaaridka Kenya Raila Ondinga oo shalay booqday Xaafada ISLII ayaa xukuumadda Uhuru Kenyata ku canaantay sida ay ula dhaqantay dadkii halkaas laga raray.




Raila ayaa dawladda ku dhaliilay inay dayacday masuuliyadii ka saarnayd sugida amniga,isla markaana fool xumo kula kacday dadka masaakiin ah oo dalka magan-gelyo ku jooga.




Mawqifka uu Reysal-wasaarihii hore ee Kenya iska taagay talaabada Kenya ku soo celisay qaxoontiga Soomaalid ayaa yimi, xili ay baaqyo lagu cambaareynayo arintaasi labadii bilood ee u dambeeyey ka imanayeen ururrada xaquuqda aadamaha iyo dawladaha daneeya arrimaha qaxoontiga.




Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa dhowr jeer ku cel-celiyay inay Kenya joojiso wuxuu ugu yeeray soo celinta aan shuruucda caalamiga ah waafaqsanayn ee ay Kenya kula kacday qaxoontiga.




Kenya ayaa waajahday qul-qulatooyinka amni daro oo gudaha ah, bilo kaddib markii ay Ciidamadeedu ku biireen hawl-galka AMISOM ee Soomaaliya ka socda.




Kooxda Al-shabaab ayaa wacad ku maray inay dagaalkooda u wareejinayaan dalka Kenya oo ay sheegeen inuu ku soo duulay Soomaliya.




Weerarro tiro badan ah ayay dagaalyahanada Al-shabaab ka geysteen xuduudka u dhexeeya labada dal bishii la soo dhafay, kuwaasoo ay ku dileen askar Kenyaati ah.




Kenya Cashar lama ilaawaan ah ku qaadatay Weerarkii lagu qaaday sanadkii hore dhismaha Ganacsi eek u yaala Magaalada Nairobi ee ay ku dhinteen ku dhawaad lixdanka qof.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@Gobanimonews.com