Stokholm(GNA)-Fariin ogaysiis ah oo ka soo baxday guddi farsamo oo isku duba ridaya kulan dhex mari doona Maayirka gabiley iyo Jaaliyadda Gobolka Gabiley ee Magaalada Stockholm ee dalka Sweden, ayaa lagu sheegay inay labada dhinac iska waraysan doonaan xaalada Gobolka iyo baahiyaha jira.
Kulanka ayaa dhici doona Maanta oo sabti ah.
Waxaana fariintaas lagu yidhi sidan:-
“Ogaysiis Muhiim ah: Bulsho Waynta Gobolka Gabiley, Woqooyiga iyo Galbeedka Hargeysa ee ku Dhaqan Wadanka Sweden Waxaa lagu Wargelinayaa in 07-06-2014 Maalinta Sabtida lagu Qaban Doono Magaalada Stockholm kulan Balaadhan oo Dhex mari Doona Jaaliyadda iyo Maayarka Magaalada Gabiley Mud:Shucayb Maxamed Muuse oo habeenkaasi Marti ku ah Madasha.
Kulanka oo lagaga Wada Hadli doono Waxyaabo Badan oo Waxtar u leh Horumarka Gobolka kaasi oo Fikirka Aad ku kordhisaa qayb ka noqon doona Horumarka Mustaqbal ee Magaaladaada.
Waa Habeenka Axadu Soo Galayso Saacadu Waa 06: 00 pm ilaa 09:00 pm Waxaana Kulan Aad u muhiim ee Wakhtiga Fadlan ilaaliya
Goobtu Waa Rinkepy folkethus ee ka soo Qayb gal wanaagsan
Wixii Faahfaahin ah kala Xidhiidh
Mobile: 0046734946119