Akhri ra’yi Uruurin laga qaaday Dadweynaha Reer Burco oo ku kala qaybsan go’aankii xalinta Khilaafka Kulmiye…
Burco(GNA)-Dadwayanaha reer Burco ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay Go’aankii ay dhawaan guurtidu kasoo saartay khilaafka Xisbiga talada haya ee kulmiye.
dadwayanaha oo bahda Gobanimonews ee Burco saaka mikirifoonka la dhexmareen, ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay qodobadii lagu xaliyey khilaafka.
Suldaan Ismaaciil Jirde oo ka hadlaya Go,aankii Guurtidu kasoo saartay Kilaafkii Kulmiye ayaa yidhi''Go,aankii Guurtida ee maalintii dawayd ay kasoo saartay khilaafka kulmiye Go,aan cadaalada u dhacay muu ahayn,taas waxa cadaynaysa laba jeer oo hore ayaa Xisbiyadii Udub iyo Ucid ayaa is qabsaday Saleebaan markaas Gudoomiyuu ahaa labadaa jeer midna kamuu hawl galin,markii uu iminka kulmiye is qabsaday waxa uu ku maqnaa dhawr bilood oo fasax ah oo gudoomiye ku xigeenka ayuu usii sheegay,dabdeed kulmiyaa is qabsaday intaanu todoba casho maqnaan buu soo noqday,arinkaas uu xukumayna cadaalad daro ayuu ahaa ninkaas Muuse waa laga gardaranyahay”.
C/waaxid Xasan maxamed ayaa isna yidhi'' Go’aankan guurtidu ay soo saartay aadbaan ugu qancay,madaxwayanahana sharcigaa u fasaxaya inuu laba jeer isasoo sharaxo”.
C/salaan Maxamed Caydiid ayaa yidhi “fikirka guurtidu soo saartay aad baan ugu qancay,waayo madawaynuhu laba jeer baa uuu fasaxyaa laba jeer,muusena waa is sharixi karaa waanu iskaga tagi karaa.
Xirsi Saalax Axmed(Xirsi Macawis)ayaa isna yidhi''waxaan urkaa go,aankii Guurtida in sharciyadii uu madaxwaynuhu isticmaalay ay guuriduna saboodhay,waayo xisbiga waxa haystay Gudoomiye muuse biixi guurtiduna sharciyadii gudoomiyaha ayay gacan galiyeen oo way ka fara marooriyeen”.
Cabdi Cali Baruud ayaa isana yidhi'' waanu ku faraxsanahay Go,aankaas guurtidaa waayo labada dhhinacba way ku qanceen”.
Khadar Cismaan geele ayaa isna isagoo ka hadlaya khilaafka kulmie yidhi''aad baan usoo dhawaynayaa go’aanka guurtida,guurtidu waa halka loo noqdo,kulmiye waa xisbiguu xukuumiga ahaa,hanaankii dawladnimaa hakad ku iman lahaa,hadii uu khilaafku sii socdo hadii maanta la dhameeyeey waa ilaah mahadii,sidii ugu haboonayd bay ku dhamaatay.
“Guurtidu waxay sameeyeen cadaalad daro dhinac bay noqdeen waxay ku xad-gudbeen dhinac ka mid ah dhinacyadii is hayay,anigu markii horeba umaan arkaynin inay ku haboonaayeen inay guurtidu dhex gasho xisbigaga kulmiye,may ahayn inay ilayn waa marjicii ugu sareeyaye inay xisbi ku milmaan,xisbiyadii ka horeeyay ee khilaafku soo kala dhexgalay ee udub iyo Ucid may dhexgalin”sidaas waxa yidhi muwaadin kale oo ra’yigiisa.
Si kastaba ha ahaatEe dadwanaha reer burco ayaa Goobaha siyaasada lagu falalaqeeyo iyo maqaaxiyaha maalmihii ugu danbeeyeen kaga doodayeY Go’aankii ay dhawaan kasoo saartay guurtidu khilaafkii kulmiye.
Go’aankaasoo siyaabo kala duwan u arkaan.
Axmed Muuse Maxamed
Gobanimonews
Burco Office
Email: axmedmm9@hotmail.com