Pages

Monday, June 9, 2014

Hogaan-dhaqameed reer Togdheer ah oo Gar Eexo ku tilmaamay go’aankii Guurtida


Burco(GNA)-Suldaan Maxamed Muuse Cune oo ka mid ah salaadiinta Gobolka Togdheer ayaa ka hadlay Go’aankii ay guurtidu kasoo saartay khilaafkii kulmiye.




Waxa uu ku tilmaamay inuu ahaa mid dhinac ka raran oo aan labada dhinac loogu garsoorin.




''Go,aankii ay guurtidu ka gaadhay khilaafkii kulmiye waxaa uu ahaa mid aad u qadhaadh,waxay sameeyeen cadaalad daro dhinac bay noqdeen waxay ku joor faleen dhinac ka mid ah dhinacyadii is hayay.




anigu markii horeba umaan arkaynin inay ku haboonaayeen inay guurtidu dhex gasho xisbigaga kulmiye,may ahayn inay ilayn waa marjicii ugu sareeyaye inay xisbi ku milmaan,xisbiyadii ka horeeyay ee khilaafku soo kala dhexgalay ee udub iyo Ucid may dhexgalin,hase yeeshee hadii ay soo dhexgaleen waxay ahayd inay garsoon sameeyaan oo labada dhinac miisaamaan oo ninj walba waxna ka qaadaan waxna siiyaan”ayuu yidhi.




Suldaan cunne ayaa isagoo hadalkiisa sii wata intaas ku daray “Beribaa oodwayne arini ka dhacday oo nin Suldaan ah ayaa nin kale oo ay isku reer yihiin waran ku tuuray,warankii baa dheg kaga dhacay Suldaankii oo nabar ku yeelo,ayaa Qoladii  Suldaanku ahaabaa weerar qaaday oo nin bay dileen,dabdeed arintii ayaa la dhex galay oo qolo odyaal ah loo diray oo layidhi soo kala xukuma,markii dhexdii sadex casho la sugayay dhexdii ayay waxay soo xukumeen,dhegtii Suldaanku waa Afar Boqol oo halaad ninkii dintayna waa duudsi,Suldaankaasi nin caqli badan oo macquul ah buu ahaa,qoladii dhexda ahayd buu ku yidhi qoodhiin iyo xeradiinba jabtay ee orda oo iska taga,ninkiina waan iska bixnayaa oo magtiisii boqolkii halaad waa kuwaa dhegaydiina waa saamax.




Markaa madaxwayanaha waxaan ka eegaayay markii ay guurtidu waxan soo xukumaysay ee ay go,aanka ku dhwaaqeen inuu yidhaahdo qoodhiin iyo xeradiin ba jabtay ee orda oo iska taga waxani waa xisbigayagii oo marjacbaanu isula noqonaynaa oo anagaa iska heshiinayana waxba maydaan xukumin,waa iskaaya sudheene.Go,aankaasna Guurtida sharafteedii Hoos bay ugu dhacday,ayuu suldaanku hadalkiisii kaga baxay”.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office