“Farsamada waxa na Gaajada ”Mulkilaha Tayo Production
Hargeya(GNA)-Wershada Tayo Production work Shop, waa wershad gacmeed soo saarta agabka Guryaha ee Hurdada, Miisaska, Kuraasta, Leexda Caruurta, Xoolalka iyo qalabka xafiisyada iyo goobaha waxbarashada oo dhan.
Waxay soo saartaa agab tayada iyo tamarta lagu sameeyay kala durugsanyihiin oo daruuri ah, kaasoo ka samaysan Bir iyo Alwaaxyo kala duwan, isla markaana wershada lagu farsameeyey lafteedu gacan ku samays tahay.
“markii hore waxaan sameeyay Mishiinka Biraha laabaya oo ay samayntiisu igu qaadatay laba bilood, markii dambena waxaan bilaabay samaynta Kuraasta oo aan ku bilaabay qandaraas ay I siisay Jaamacada Golis anigoo aan haysan, meel aan ku shaqeeyo iyo qalab kale toona”sidaasi waxa Gobanimo u sheegay Mukhtaar Yuusuf Cabdilaahi oo ah Mulkilaha Wershadan.
“sanad iyo badh kaddib shaqadu waxay noo maraysaa meel fiican,waxa wershada ka shaqeeya 14 qof oo shaqaale, waxaanu samaynaa dhamaan agabka Guryaha, xafiisyada iyo goobaha waxbarashada”ayuu hadalkiisa raaciyay.
“farsamada waxa I baray gaajada, qofku hadii uu camal la’yahay wuxuu ka fikirayaa siduu shaqo u heli lahaa”ayuu sii yidhi Mukhtaar.
Wershada kooxdan Dhalinyarada ah ka hawl-galaan ayaa waxay wax soo saarkeeda ku fidisay Macaamiil faro badan oo ay ka mid yihiin Jaamacadaha waaweyn ee ka furan Hargeysa.
“Jaamacada Hargeysa ayaa hada naga soo dalbatay shan boqol oo Kursi oo waanu samaynay, sidaasoo kale ayaanu ugu samaynaa kuwo kale oo faro badan”sidaas waxa yidhi mid ka mid ah farsamo yaqaaniinta Wershada oo ka hadlay munaasibadda wareejinta shan boqol oo Kursi oo ay u sameeyeen Jaamacadda Hargeysa.
Mulkilaha Wershada Tayo Mukhtaar ayaa mar kale sheegay “waxaanu samaynaa Taawarada Shirkadaha Isgaadhsiinta, waxaanu samaynaa Sariiraha hurdada oo nooc walba leh, waxa kale oo aanu samaynaa agab kale oo tiro badan.
“Agabka aanu halkan ku samaynaa waa mid ka tayo wanaagsan ka laga keeno Yurub iyo Aasiya oo ay dadku u bogeen, waanan sii wadaynaa shaqada, waxaanan ku talo jirnaa inaanu waxyaabo kale oo cusub u soo kordhino macaamiisha” ayuu yidhi Mukhtar.
Halkan ka Daawo Muuqaal Dhamaystiran:
Saleban Cabdi Cali
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com