Marko(GNA)-Markale ayaa saaka arroornimadii hore dagaal ka dhacay Magaalada Marka, kaddib markii dagaallo maalmihii u dambeeyey halkaa ka socday xalay yara kala joogsadeen.
Qof goob-jooge ah oo magaciisa qariyey ayaa sheegay inay saaka arroornimadii hore Magaalada galeen aad u hubaysan oo la aaminsanyahay inay milateriga dawladda ka tirsanyihiin, kuwaasoo la wareegay gacan ku haynta qaybo ka mid ah Magaalada, kana saaray Maleeshiyaad halkaa ku sugnaa.
Marka waxay ka mid tahay degmooyinka Gobolka Shabeelaha hoose, waxaana maalmihii la soo dhaafay gudaha Magaalada iyo deegaamo ku hareeraysan dagaallo ku dhex marayeen laba maleeshiyo beeleed.
Warar kale oo laga soo xigtay Saraakiisha Ciidanka Dawladda ayaa tibaaxaya in Guutooyinka shanaad iyo lixaad ee ciidamada milateriga dowlada Somalia ay saaka waaberigii xoog kula wareegay qeybo ka mid ah magaalada.
Dhawaqa Madaafiic xoogan iyo rasaas ayaa saaka laga maqlay magaalada iyo hareereheeda.
Ciidanka Dawladda ee halkaa galay ayaa ka soo dhaqaaqay dhinaca deegaanka Buufow.
Dad badan ayaa ku baro kacay Dagaalada halkaa ka socda, waxaana ka dhashay Khasaare fara badan oo aan wali tiro koob rasmi ah laga haynin.
Degmada ayaa waxa dhawaan safar ku tegay reysal-wasaaraha dawladda Federaalka Cabdi wali Sheikh Axmed, waxaanu Odayaasha deegaanka kala hadlay inay ka shaqeeyaan ilaalinta nabad-gelyada.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com