Pages

Friday, May 16, 2014

Sudan oo Dil daldalaad ah lagu xukumay Gabadh Uur leh oo Diinta ka baxday


Maxkamad kutaala dalka suudan ayaa xukuntay haweenay ka baxday diin-ta islaamka oo Uur leh.




Maryam oo ah Xaas, ayaa lagu xukumay Dil Deldelaad ah, sida laga soo xigtay Garsooraha xukunka riday, kaddib markii ay diiday inay ku soo laabato Diinta Islaamka.




"Waxan ku siinay Saddex maalmood si aad diintaada ugu soo laabatid, laakiin waad diiday in aad ku soo laabatid Islaanimda, sidaas darteed waxaan kugu xukunay in lagu daldalo," sidaa waxa ku dhawaaqay xaakinka kiiska qaaday oo la hadlay Wakaaladda wararka ee AFP.




Suudaan ayaa ah dal Muslimku ku badanyahay.




Safaaradaha reer galbeedka iyo hay'adaha u dooda xuquuqda Aadanaha ayaa  Sudan ugu baaqay in ay qiimeeyaan xuquuqda haweenaydan uurka leh si ay u qaadato diinta ay rabto.




Diinta Islaamka ayaa banaynaysa in la dilo qofka Muslimka ah ee Diinta ka baxa, kaasoo ka xun if iyo Akhiraba kuwa haysta Diimaha kale ee aan Islaamka ahayn.




Warbaahinta ayaa sheegaya in Gabadhan xukunka lagu fulin Karin ilaa ay dhasho oo Ilmaheedu laba sano Gaadhayo.




Kooxaha u Dooda Xuquuqda Aadamaha oo ay ka mid tahay Hay’ada  Amnesty Internationala ayaa ku doodaya inay  Maryan tahay maxbuus loo ciqaabayo diinta ay rumaysan tahay.