Nairobi(GNA)-Kenya ayaa Jawaab adag ka bixisay Digniinno ka soo baxay Dawladaha Reer Galbeedka maalintii shalay ka bixiyeen ammaanka dalkaasi oo ay tilmaameen inuu khatar badan ku yahay mawaadiniintooda, ugana digeen inay u safraan.
Kenya ayaa go’aankan ku tilmaantay hadal niyad jab ku keenaya oo kaga yimi saaxiibo ay aad isugu dhawyihiin oo ay wax badan la qaybsadaan.
Maraykan, Ingiriiska, Australia iyo dalal kale oo reer Galbeed ah, ayaa Mawaadiniintooda ugu baaqay inay isaga baxaan deegaamada ay weerarrada ka wadaan kooxaha Al-shabaab ee xidhiidhka la leh Shabakadda Al-qaacida.
Reer Galbeedka si gaar ah u calaamadiyay, fartana ku fiiqay in Magaalada Mombasa iyo deegaamada ku xeerani yihiin kuwo ay aad ugu soo badanayaan halista Dagaalyahanada Al-shabaab ee Koonfurta Somalia ka dagaalama.
War ka soo baxay ka soo baxay Waaxda Arrimaha dibada ee Uk, ayaa lagu sheegay in hadii aanay Mawaadiniinta reer Uk ka fogaan goobaha amni daradu ka jirto ay jiraan khatar badan oo kaga soo waajahan Kooxaha Islaamiyiinta ee Bariga Afrika.
Kenya ayaa sheegtay in inkasta oo ay jiraan weeraro ay ku soo qaadaan Gobolka Waqooyi barri Kooxo Xagjir ah, hadana ay dawlad ahaan awood u leeyihiin inay iska difaacaan khatar kasta oo alshabaab ku hayso waddankeeda.
Kenya ayaa u aragta in Digniinaha Reer Galbeedku dhaawacayaan Dalxiiska lagu yimaado dalkeeda oo ay sanad kasta kumanaan Dalxiiseyaal ah soo booqdaan.
Dhaqaalaha ka soo gala Dalxiisyaasha ayaa dhabar u ah Miisaaniyada waddanka.
Saraakiisha Waaxda Ammaanka u qaabilsan Wasaaradda Khaarajiga Kenya ayaa sheegay inay aad u adkeeyeen ammaanka goobaha Dalxiiska, iyagoo iskaashi kala leh dhamaan dhinacyada wada shaqaynta kala dhaxayso ammaanka.
Madaxa waaxda Ammaanka ee Wasaaradda Khaarajiga Kenya Karanja Kibicho, ayaa sheegay “tallooyinka ay soo jeedinayaan saaxiibadeennu waa kuwo si cad noogu muujinaya saaxiibtinimo la’aan”ayuu yidhi.
Waxaanu intaasi ku daray “tallooyinkani waxay niyad ku keenayaan dedaalka aannu kula jirno difaaca nabad-gelyadeena”ayuu yidhi.
Kenya ayaa hore loogu canaantay weeraro isdaba jooga oo ka dhacay Gobolka Xeebta ku yaala oo ay ku soo badanayaan weerarada argagixisadu, halkaasoo istaraatiiji u ahayd arrimaha ganacsiga iyo dalxiiska dalkaasi labadaba.
Dalka Kenya ayaa waxa muuqata in xiisado isa soo taraya oo gudaha kaga oogmeen tan iyo markii ay Ciidamada nabad-ilaalinta Soomaaliya ku soo biireen.
Xoogaga alshabaab ayaa sheegtay weerarro kala duwan oo laga fuliyay goobo muhiim ah oo ku yaala Magaallooyinka waaweyn ee dalkaas.
Magaalada Caasimada ah ee Kenya ayaa waxa ku nool kumanaan Ajaanib ah oo ujeedooyin kala duwan halkaas u jooga, waxaana ka mid ah Ganacsadeyaal iyo diblomaasiyiin u kala dhashay Wadamada cabsida muujiyay iyo Israa’iil.