Wednesday, May 21, 2014

Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Magacaabay Laba Degmo Oo Cusub


Hargeysa (GNA) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo Sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2501/052014 ku magacaabay laba Degmo oo Cusub.




MADAXWEYNUHU:-




Madaxweyne-axmed-Siilaanyo2




Markuu Arkay:Qodobka 90aad iyo Qodobka 109aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;




Markuu Arkay: Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;




Markuu Tixgeliyey:         Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanka;




Markuu Tixgeliyey:   Baahida loo qabo in Degmooyin loo magacaabo Degmada Gudmo Biyo-cas, iyo Degmada Ceegaag Degmooyin cusub;




Markuu Dhegeystay:      Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha;




 




Wuxuu go’aansaday;




1.     In uu Gudmo Biyo-cas u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Sanaag.




2.     In uu Ceegaag u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Caynabo.