Wednesday, May 21, 2014

Cago-weyne oo xilkii ku wareejiyay Agaasime cusub


DSC00288Hargeysa(GNA)-Agaasimihii hore ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr. Maxamuud Cago-weyne ayaa maanta xilkii ku wareejiyay Agaasin  cusub oo lagu bedelay.




Xaflad balaadhan oo lagu qabtay Xarunta Wasaaradda ayaa waxa labada masuul xilka ugu kala wareejiyay Wasiirka Wasaaraddaasi Dr. Cabdi Aw-daahir Cali.




Xubno Agaasimeyaal Guud ka ah Wasaaradaha kale ee dawladda, Shaqaalaha iyo Madaxda wasaaradda Xanaannada Xoolaha iyo Saraakiil ka socday hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa Muxaliga ah ee Wasaaradda la shaqeeya, ayaa ka qayb galay munaasibadaasi.




Agaasimaha hore ee la bedelay Dr. Maxamed Axmed Maxamuud Cagoweyne oo hadal dheer halkaasi ka jeediyay, ayaa ka waramay waxyaabihii u qabsoomay mudadii uu Wasaaradda Agaasimka guud ka ahaa, waxaanu tilmaamay inay mashaariic badan oo dib u habayn Wasaaradda u badan uu qabtay.




“intii aan Wasaaradda joogay waxaan qabtay waxyaabo badan oo aan la soo koobi Karin, waxaana ka mid ah saddex arrimood oo aan isleeyahay Taariikhda ayay kuu geli doonaan.




“Wasaaradda waxaan ugu imi shan agaasime Waaxeed oo Odayaal ah oo waxaan ku bedelay shan cusub oo dhalinyaro ah, waxaan fulintiisa hormuud ka ahaa  Mashruuca Caanaha Xoolaha oo dhawaan bilaabi doonaa, waxa kale oo aan samaynay xeerka Hilibka oo ay Golaha Baarlamanku ansixiyeen” ayuu yidhi Dr. Cago-weyne.




Masuulkan hore ayaa Shaqaalaha Wasaaradda ka dalbaday inay la shaqeeyaan Agaasinka cusub, waxaanu dhanka kale u mahad celiyay dhamaan cidii wada shaqayntu kala dhexeysay muddadii uu xilka hayay “Shaqaalaha Wasaaradda ee firin fircoon waxaan ka codsanayaa inay Agaasimaha cusub sidii ay iila shaqaynayeen iyo si ka wanaagsan inay ula shaqeeyaan Agaasimaha cusub”.




Agaasimaha cusub ee xilka la wareegay ayaa isna mahad naq iyo bogaadin u jeediyay Madaxda Wasaarada iyo shaqaalaha sida wanaagsan ee ay ugu soo dhaweeyeen shaqada.




Agaasime Jaamac Maxamed Oddowaa, ayaa ka dalbaday dhamaan dhinacyada wasaaradda iyo Hay’adaha la shaqeeyaa inay si hufnaan iyo soo dhaweyn leh ula shaqeeyaan.




Waxa uu yidhi “ waxaan Ilaahay ka rajeynayaa waxaa uu Agaasimaha la bedelay qabtay wax la mid ah iyo wax ka sii badan inaan qaban doono, anigoo kaashanaya madaxda Wasaaradda iyo Shaqaalaha oo aan ka rajeynayo inaan si wanaagsan u wada shaqayn doono”.




Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaalada Khadar Axmed Diiriye oo u hadlay raxan Agaasimeyaal guud ah oo xaflada ka soo qayb-galay ayaa sheegay in Dr Cago-weyne, Agaasimaha la bedelay uu Oday u ahaa Agaasimeyaasha Guud ee dawladda, si wanaagsana ay u sagootin doonaan.




Khadar ayaa yidhi “ Cago-weyne waxa uu ahaa Odayga Agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha oo uu runtii noogu da’ weynaa, waxaanan u samayn doonaa Xaflad sagootis ah hadii alle yidhaahdo”




Wasiir u Dawlaha Wasaaraddaasi .. oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Xilku waa meerto, sunaha dawladnimada ayaa dhigaya in maalinba qofkii loo garto inuu shaqada sii wadi karo loo dhiibo, agaasimaha cusub waxaanu leenahay soo dhawoow, Agaasimaha hore oo ahaa runtii nin si wanaagsan noola soo shaqeeyayna waan uga mahad celinayaa wada shaqayntii iyo sidii wanaagsanayd ee uu wax noola soo waday”.




Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Cabdi Aw-daahir Cali oo gunaanadkii Munaasibada ka hadlay, kaddib markuu xilka u kala wareejiyay labada Masuul, ayaa ammaan balaadhan ku maca salaameeyay Agaasimaha hore .




Wasiirka ayaa sheegay inuu Agaasimaha la bedelay intii uu xilka hayay uu hawlo badan ka qabtay Wasaaradda.




Waxaanu yidhi “ Cago-weyne wuxuu iga horeeyay magacaabista  lix bilood, saddex sannadood iyo billo ayaanu wada shaqaynaynay, wuxuu ahaa mishiinka Wasaaradda rogayay, markaa waan uga mahadcelinayaa sidii wanaagasanayd ee uu iila shaqaynayay anigoo Odaygii Wasaaradda ahaa, Wasiir u dawlaha oo isugu dhawaan nagu soo biiray oo isagu xataa intii uu noo yimi marka wax yari yimaadaanba Oday noo ahaa.




 Agaasimaha cusub waxaanu leenahay soo dhawoow, Agaasimihii hore waxaanu  uga mahad celinayaa muddadii uu nala shaqaynayay oo uu runtii waxaas badan ee uu ku waramay qabtay”




Agaasimaha cusub ee xilka la wareegay ayaa ah Nin aqoonyahan oo dalka Itoobiya wax ku soo bartay, waxaana xilka loogu  magacaabay todobaadkii hore wareegto ka soo baxday Madaxweynaha Somaliland, taasoo Masuulka uu shaqada kala wareegay lagu eryay, isagana lagu magacaabay.




Sarkaalkan ayaa nasiib u helay inuu xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaraddan qabto, xili dib u dhis iyo balaadhan lagu sameeyay Xafiisyada, isla markaana dhismeyaal fooqyo ah oo ilaa saddex ah lagu kordhiyay.




Waxa kale oo uu ku soo aaday xili mashaariic badani ka socdaan wasaaradda, kuwaasoo isugu jira kuwo bilow ah iyo qaar muddo socday.




Hase ahaatee xaalada ugu culus ee xal u heliddeeda looga fadhiyo inuu wax kala qabto masuuliyiinta ka saraysa waxa ay tahay xoolo tiro badan oo sanadkan dalka Sucuudiga laga soo celiyay, gaar ahaan Geel badan oo saddexdii bilood ee ugu dambeeyay dawladda Sucuudigu soo celisay, kaddib markii sida la sheegay xanuun laga helay. DSC00291 DSC00294 DSC00297 DSC00299 DSC00300




Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: curad1986@hotmail.com