Pages

Tuesday, May 20, 2014

Dawladda hoose ee Hargeysa oo Gaadiid baahi loo qabay soo bandhigtay 18 May.Daawo


Xal ma loo helay halistii dabka iyo Hargeysa? Daawo Sawirro




IMG_3708Hargeysa(GNA)Dawladda hoose ee Caasimada Hargeysa oo si weyn uga dhex muuqatay dabaal-degyadii shalay ee xuska gooni-isutaaga Somaliland ee 18 May, oo ay ka mid ahayd Hay’adihii dawladda ee shaqaalahoodu socodka ku mareen waddooyinka ayaa soo bandhigtay Gaadiid ay baahi weyn u qabtay Caasimadu oo tiro badan.




Gaadiidkan oo nooca Dab-damiska ah, ayaa socod ku hpr maray dadweynihii ku sugnaa hareeraha Waddada dheer ee hor marta aqalka Madaxtooyada, dadkaasoo markay arkeen sacab iyo niyad wanaag isla sara kacay, isla markaana laga dareemayay inay dareensanyihiin in gaadiidkani yihiin kuwa baahida caasimada ee dhanka dabka daboolaya.




Maayirka Caasimadda Hargeysa, ayaa dhawaan sheegay inay Gaadiid Dab-damis ah oo lagu caawiyay dalka soo gaadheen, kuwaasoo uu balan qaaday inay wax ka tari doonaan halista dabku ku hayo Magaalada.




Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid, ayaa hadalka jeediyay saacaddo kaddib markii dab ku shuf-beeshay  Kaalinta Kaah iyo qayb ka mid ah dhismaha KAAH BUSSINES oo goor galab ah dab aan la garayn sababta dhalisay ka kacay, dhacdadaasoo maalin ka horaysay, mid kale oo ka dhalatay Booyad shidaal siday oo ku qalibantay Xaafadda Shacabka.




Taasoo qarax dab dhaliyay samaysay, isla markaana sababtay dhimashada hal qof iyo saddex ku dhaawacmay.




“waxaan dadweynah ugu bushaaraynayaa inay magaaladda soo gaadheen shan Dab-damis oo ay caasimadu yeelan doonto, kuwaas oo soo iibintoodda ka qaybqaateen ganacsatadda reer Hargeysa, madaxweynaha iyo dawladda hoose.




waxaana madaxweynaha uga mahad celinayaa taageeradda laxaadka leh ee uu ka gaystay inay caasimaddu dab damisyo badan yeelato, waxaana hadda magaaladda soo gaadhay shan dab damis oo cusub, laba hore ayey u lahayd.




“waxaanay dab damisyadaasi gacan weyn ka gaysan doonaan Dab ka qarxa magaaladda oo markii hore awood loo lahayn in la bakhtiyo, waxaana xarumo laga samayn doonaa xaafadaha magaaladda Hargeysa si khasaaraha dabka loo yareeyo”ayuu yidhi Maayir Soltelco.




Magaalada Hargeysa, ayaa muddo dheer halis ugu jirtay dabka, waxaana jiray dhawr goor oo meelo gubtay u shuf beeleen damis la’aan sida Xaafadda isku raranta ah ee State house-ka oo ay sanadkii hore hal maalin boqol ku dhawaad qoys ku guryo beeleen, kaddib markii dab qabsaday guryo aqal soomaali ah oo ay degenaayeen, dabkaasoo aqaladii iyo wixii dhexyaalayba ka gubay.




“Magaallo bilaa dab damis ahi Caasimad noqon mayso, dawladduna waxba noqon mayso hadaanay addeegyada noocan ee aasaasiga ah wax ka qaban”sidaasi waxa Gobanimo dhawaan u sheegay mawaadin ka tiiraanyeysan khatarta dabku ku hayo Hargeysa.




Dhawr gaadhi oo ay leedahay, Shirkadda Dahabshiil, hal gaadhi oo ay leedahay dawladda hoose iyo  laba baabuur dab damis ah oo madaarka Hargeysa jooga ayaa loogu gurman jiray meelaha gubta ligii hore, kuwaasoo aan inta badan waxay badbaadiyaan iskaba yarayd maadaama ay masaafo deer soo soconayaan.




Goobaha Ganacsiga ee waaweyn iyo dhismeyaasha casriga ah ee laga dhisay Magaaladan ayaa dugsanayay halis faro badan, hase ahaatee waxa muuqata inay hada xaalada dab damis la’aantu sidii hore ka yaraanayso, inkasta oo ay wali kala badan yihiin baaxada Caasimada iyo tirada gaadiidka dawladda hoose hayso oo ilaa 9 gaadhi ah.




Mid ka mid ah Gaadiidkaasi waxa Dawladda hoose dhawaan ku wareejisay Fanaanada Caanka ah ee Sahra Halgan.IMG_3705 IMG_3706 IMG_3707  IMG_3709 IMG_3710 ???????????????????????????????




Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com