Madaxweyne Siilaanyo oo xuska 18 Magacaabay Guddi Wasiirro u badan
Dawladda oo saddexdii sanaddood ee la soo dhaafay Dhaqaalihii ay ku bixisay qabanqaabada xuska saameyn yeelatay! Akhri Magacyada Guddida Madaxweynuhu magacaabay iyo xogo kale
Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland ayaa magacaabay Guddi Wasiirro u badan oo ka shaqayn doona qabanqaabada xuska 18 May oo ah maalintii lagu dhawaaqay gooni-isutaaga Somaliland.
18 May ayaa si weyn looga xusaa Somaliland sanad kasta,waxaana saddexdii sanadood ee ugu dambeeyay dawladdu bulshada ku dhiiri gelinaysay in la wayneeyo maalintaasi.
26 June 1960-ii ayay ahayd markii dawladda Ingiriisku Xornimada siisay Somaliland, halka 18 May dib loogu dhawaaqay xornimadaasi oo xiligaasi Gobollada waqooyi kula midoobeen Koonfurta Somalia.
Warsaxaafaddeed ka soo baxay aqalka Madaxtooyada gelinkii dambe ee maanta ayaa lagu magacaabay Guddida oo ka kooban todoba Wasiir, Maayirka Caasimadda iyo xubno isugu jira xildhibaano iyo La-taliyeyaal madaxweyne.
Guddidan ayaa waxa Guddoomiye u noqonaya Wasiirka arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, sida Warsaxaafaddeedkan lagu sheegay.
Xirsi oo isla waayay Guddida Farsamo iyo Abaabulka Jaaliyaddaha dibada
Magacaabista Guddida ayaa timi xili todobaadyadii u dambeeyay abaabul xoogan laga dareemayay Jaaliyadda dibadaha ku dhaqan oo isu diyaarinaya sidii ay dalalka ay joogaan ugu xusi lahaayeen.
Abaabulka Jaaliyadaha dibada iyo diyaar-garowga gudaha ka socda ayaa laga dareemayay inay dadku si weyn uga soo horjeedaan in qabanqaabada Maalinta Qaranka maamulkeeda wax door ah laga siiyo Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, markii dadka qaar cabasho ka muujiyeen faro gelin uu ku sameeyay abaabulka dhexdooda, sida ay Gobanimo u xaqiijiyeen dad xogogaal ahi.
Wasiir Xirsi ayaan ku jirin Guddidan madaxweynuhu magacaabay Maanta, balse lagu daray Agaasimaha Guud ee Wasaaraddiisa.
Warsaxaafaddeedka oo Nuqul ka mid ahi uu soo gaadhay gobanimonews ayaa u dhignaa sidan:
“War-saxaafadeed Date: - 08/ 04/2014
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/MG/241-2387/042014 ku magacaabay Guddida Qaban-qaabadda Xuska 18 May, oo uu gudoomiye u yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, Mudane Cali Maxamed Warancade.
MAGACAABID.
Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha (Guddoomiye) Hargeysa
Ku: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Hargeysa
Ku: Wasiirka Wasaaradda Wax-barashadda iyo Tacliinta Sare Hargeysa
Ku: Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta Hargeysa
Ku: Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Hargeysa
Ku: Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Hargeysa
Ku: Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Hargeysa
Ku: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyadda Hargeysa
Ku: La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dadka laga tirada badan yahay Hargeysa
Ku: Maayarka Caasimadda Hargeysa Hargeysa
Ku: Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-nac Hargeysa
Ku: Mudane, Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire) Hargeysa
Ku: Xubin Ka mid ah Isu-tagga Dallada Hay’adaha Aan Dawliga ahayn (SONSAF) Hargeysa
Ujeeddo: Magacaabid Guddida Qaban-qaabadda Xuska 18 May.
Mudaneyaal iyo Marwooyin,
Sida aad la socotaan waxa foodda inagu soo haya haddii Eebe idmo Xuska sanad guuradda 23aad ee maalinta Qaranimada Somaliland ee 18 May, maalintaas oo mudan xus iyo xusuus gaar ah.
Sidaas darteed, waxa aan mas’uuliyiinta qoraalkani sida tooska ah ugu socdo u magacaabay Guddida heer Qaran ee Qaban-qaabadda Xuska Sanad-guuradda 23aad ee maalinta Qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May.
Haddaba, waxaan Guddida Qaban-qaabadda ka rajaynayaa inay xil qaranimo iska saari doonnaan xuska maalinta 18 May oo mudan qadarin gaar ah.
Sidoo kale, Maamullada Gobollada iyo Degmooyinka waxa aan farayaa inay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan”ayaa lagu yidhi Warsaxaafaddeedka Madaxtooyada ka soo baxay.
Dhaqaalaha Dawladdu ku bixiso xuska 18 May
Xuska 18 May ayaa Khasnadda Dawladda looga qoondeeyaa lacag aad u badan oo qayb ka mida dibadaha loo diro, taasoo keliftay inay kala hororsadaan maamulkeedda dadka isu soo qadima hormuudka cida hawshan qabanaysa.
Sida loo xigtay dad arrintan u dhuun dalloola Jaaliyaddaha dalka Yurub qaarkood ayaa isku maandhaafay magacaabista Guddida qabanqaabada ee dalalka ay joogaan, khilaafkaasoo sababay sida warar hoose aanu ku helnay in Wasiir Xirsi Guddiyo ay horgaleyaal ka yihiin dad uu qaraabo Kiil ahaan u badhitaaray ka qaadeen qolyo kale oo hore isu abaabulay.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com