Pages

Tuesday, April 8, 2014

Maareeyaha Telefishanka Qaranka iyo Wariye gacan ka hadal dhex maray


khadar-gas2Hargeysa(GNA)--Maareeyaha telefishanka qaranka Khadar Cali Gaas iyo Wariye ka tirsan Hawl-waddeenaha laamaha warfaafinta dawladda ayaa gacan ka hadal dhex maray.




Warar laga helay arrintan ayaa sheegay in wariye Saleebaan Haybe Laanbad saaka xafiiska ugu galay Maareeyaha, dabadeedna waydiiyay sababta keentay in xaqisii la duudsiyo, taasoo maareeyuhu uu dagaal ugu soo kacay kadibna.




 




Waxa soo kala dhex galay oo kala qabtay qaar ka tirsan masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta oo kala kaxeeyey maareeyaha iyo wariye Saleebaan Haybe Laanbad oo maareeyaha telefishanka qaranku si ula kac ah uga jaray gunadii isla markaana ka joojiyey shaqadii telefishanka qaranka.




 




Baryahanba waxaa Khilaafyo wajiyo badan leh ka dhex taaganaa telefishanka qaranka , maareeyaha telefishanka qaranka Khadar Cali Gaas ayaa ku fashilmay in uu shaqaalihiisa u cadaalad sameeyo oo uu simo xuquuqada ay ku wada leeyihiin telefishanka qaranka ee ay ka hawl galaan,maareeyaha ayaa waxa uu sameeyey eex iyo qaraabo kiil ,taasi oo uu shaqaalaha qaar ka jaray gunooyinkii ,qaar kalena ka reebay shaqaalaysiintii halka uu qaar ay isku jifo yihiina uu u qoray midkiiba dhawrl malyan.




 




Arintan cadaalad darada ah ayaa waxay keentay in guux badan ka abuurmo guud ahaanba wasaaradda warfaafinta ee uu telefishanka qarankuna ka mid yahay,dhawaan ayay ahayd markii qaar ka tirsan shaqaalihiisu ay u gudbiyeen waraaq cabasho ah taasi oo ay maareeyaha kaga dalbanayeen in uu xaqooda fuliyo oo uu la simo shaqaalaha kale ee telefishanka.




 




balse waxaa dhacday maamul xumadiisa in uu waraaqdii ay shaqaalahaasi u soo gudbiyeen uu qof kasta oo wasaaradda ka shaqeeya uu hor dhigay oo uu dhawr maalmood shaqo ka dhigtay maareeyihii dhanaa waxay ii soo qoreen waraaqdan ee bal eega,taasi oo ka turjumaysay sifaha iyo aqoon darada dhinaca maamulka ee haysata maareeyaha telefishanka qaranka,oo qof kasta wuxuu dareemi kara hadii uu yahay masuul in wax kasta la kulmi karo hadii ay noqon lahayd cabasho iyo hadii ay noqon lahayd hambalyo .




 




balse waxay ku xidhan tahay hadba sida aad wax uga qabato cabashadaasi,hadaba kadib ,markii uu maareeyuhu si fool xun uga jawaabay in uu cabahsadaasi wax ka qabto ayay gaadhay cabahsadii xarunta madaxtooyadda Somaliland ee dalka looga taliyo,halkaasi oo maxatooyaduu ogaatay cadaalad darada ka dhex jirta telefishanka qaranka ilaa hadana waxay balan qaaday madaxtooyadu inay arintaasi wax ka qaban doonto.




 




Wariye Saleebaan Haybe Laanbad ayaa waxa dhalay Mujaahidkii weynaa ee Haybe Laanbad oo dalka u soo huray dhigiisii halka maanta wiilkii uu dhalay inan yar oo qurba joog ahi marna ka jarayo gunadisii marna ka joojinayo shaqadii uu ka hayey telefishanka qaranka,arinta ayaa waxay astaan u tahay cadaaladda iyo karaamadii umaddu halka ay marayso.




 




Dadka sida dhaw ula socda arimaha iyo khilaafyadda hadheeyey telefishanka qaranka Somaliland ayaa waxay sheegayaan hadii aan madaxweyne siilaanyo cadaalad darada deg deg wax uga qaban inay dhici karto in ay sii bataan gacan ka hadalka masuuliyiinta iyo shaqaalahoodu taasi oo keeni karto nabad galyo daro hor leh oo ka soo bilaabanta wasaaradda warfaafinta Somaliland.