Hoos ka dhegeyso, faahfaahin laga bixiyay kulan albaabaddu u xidhnaayeen oo ay la yeesheen Madaxweyne Siilaanyo.
Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley wefti diblomaasiyiin u badan oo ka socda wadamada Norway, Denmark, Holland, iyo Australia.
Safiirka Australia
Weftigan oo uu hogaaminayay Safiirka Dalka Australia Mr. Geoffrey Tooth waxa qayb ka ahaa xubno ka socda Hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan Mukhaadaraadka iyo dambiyadda ee UNODC oo safarka weftiga qaban qaabadiisana lahayd.
Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ayaa mashaariic horumarineed ka wadda Somailand, laakiinse Australia xidhiidh muuqda oo joogto ah iyo door weyn kuma laha arrimaha Maamulkan aqoonsigii ugu horeeyay Caalamiya shalayn uun ka guddoomay Golaha Deegaanka ee Sheffield “UK”.
Kulan albaabadu u xidhnaayeen ka dib
Kulanka ayaa ahaa mid albaabadu u xidhnaayeen, oo saacado badan qaatay.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha amaanka iyo la dagaalanka budhcad baddeeda, sid ay warbaahinta u sheegeen Wasiirka Cadaalada iyo Garsoorka Jamhuuriyada Somaliland Eng. Xuseen Axmed Caydiid iyo Safiirka Australia ka socday Mr. Tooth oo hadlay markii shirku dhamaaday.
“weftigani wuxuu ka socdaa dalalka dagaalka adag kula jira budhcadbaddeed oo ay Somaliland-na kala shaqayso arrimahaasi, waxa laga wada hadlayna sidii uun loo xoojin lahaa hawlihii labada dhinac soo wada wadeen”sidaasi waxa yidhi Wasiirka Caddaalada Somaliland Xuseen Axmed Caydiid.
Geesta kale, Mr. Geoffrey Tooth safiirka weftiga hogaaminayay ayaa sheegay “waxaanu madaxda Somaliland kala hadalnay sidii ay u soo xoojin lahaayeen talaabooyinka lagaga hortegayo amni darada iyo Budhcad-baddeeda, waanan u mahad celinaynaa”ayuu yidhi .
Halkan ka dhegeyso warbixinta labada dhinac:
Xubnaha weftiga
weftiga oo tiradoodu dhantahay 13 xubnood oo khubaro iyo diblomaasiyiin isugu jira ayaa kala ahaa:
1. Geoffrey Tooth High Commissioner (Australia)
2. Amanda Davis Deputy head of Mission Australian High Commission Nairobi John Wilcox
3. Johan Frederik Mau, Programme Officer at Embassy of Denmark in Kenya
4. Mr. Jan-Petter Holtedahl, Counselor at Royal Norwegian Embassy in Nairobi
5. Carl P. Salicath Director for Maritime Security (Norway)
6. Mr. Andreas Skulberg Deputy Director General at Ministry of Justice and the Police (Norway)
7. Senior Adviser Section for Sub-saharan Africa Ministry of foreign Affairs (Norway)
8. Alain Ancion Deputy Ambassador to Somaliland and Somalia (Holland)
9. UNODC- Koshin
10. Leonardo Hoy-Carrasco Consultant Hostage upport UNODC MCP
11. Rainer Fraunfeld, Director, Nairobi Operational Hub
12. Patrick Fruchet, Deputy Director, Nairobi Operational Hub
13. Francesca Caonero Associate Expert-PPTP
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com
