Friday, April 4, 2014

Hargeysa:Korontada Dawladda oo wali ka maqan xaafadda qaar


HaregsuyaHargeysa(GNA) -Korontadii ayaa wali in badan oo xaafadaha magaalada Hargeysa ka maqan iyadoo bulshada isticmaasha laydhka dawlada ay cabasho aad u weyn ka muujinayaan koronto la’aantan.




Waxa habeennadii u dambeeyay si xidhiidh ah laydhka dawladu uga ka go’an yahay xaafadaha, iyadoo dawladuna aanay ka hadal, walina hagaajin cilada.




Dhanka kale waxa macaamishu ay cabasho ka muujiyeen in dawladu ay iska hor taagtay in ay soo gashadaan korontada shirkadaha gaarka loo leeyahay bixiyaan, taas oo ay sheegeen in markii ay u tageen shirkadaha kale ee laydhka, ay u sheegeen in aanay koronto siin karayn amar dawlada ka soo baxay awgeed.




Dhanka kale waxa iyana jirta in wakaalada koronta dawladu aanay ilaa hada u soo jarin Voucherkii qaan sheegta ee bisha waxa gurigu isticmaalay ku bixin jiray




Masuuliyiinta Wakaalladda




Masuuliyiinta Hay'adda Korantada dawladda ee Magaalada Hargeysa ayaa dhawr jeer ku cel-celiyey inay cilad soo noqnoqonaysa meesha ka saari doonaan.




Maareeye ku-xigeenka Wakaalladan ayaa todobaadkan sheegay inuu ka ciladdoobay mid ka mida Mishiinadda nalka bixiyaa, kaasoo dhakhso loo hagaajin doono.




dhinaca kale Maareeyaha hay'addan ayaa laba todobaad ka hor sheegay inay dibada u dirsadeen qalab lagu dayactirayo Mishiinnadda Korantada bixiya, qalabkaasoo ka raagay.




Bulshada




Bulshada ayaa si weyn u amaanay adeega Laydhka Dawladda bilihii ugu dambeeyay oo aanu wax cilad ah u bakh-bakhtiyi jirin.




"sanadkanba wuu wanaagsanaa Laydhku oo wax cilad ah muu lahayn, laakiinse habeennadii u dambeeyay ma garanayno waxa haysta"sidaasi waxa Gobanimo u sheegay mid ka mida Macaamiisha.




Mid kale ayaa isna sheegay "Maamulku way dedaalayaan oo waxba ma hagranayaan, ninka meesha haystaana wuxuuba u galay imtixaan, laakiinse waxani waa cilad farsamo oo u baahan in dhakhso loo celiyo"ayuu Gobanimo u sheegay Naasir oo degen xaafadda Gol-jano.




"inta badan xaafadda Siinay ilaa axmed dhagax laydhka dawladdu wuu ka maqanyahay, walaahi arrintaasina waa dhibaato weyn ee waxaan ugu baaqaynaa masuuliyiinta Wakaalladu inay naga hagaajiyaan laydhka"sidaana waxa Gobanimo u sheegay Cumar oo degen Xaafadda Axmed-dhagax.




Si kastaba ha ahaatee maaha markii ugu horaysay ee korontada dawladu  bixiso ciladi ku timaad,balse waxa laga dayrinayaa farsamo xumida haysata oo sababtay inaan ilaa hada maaro loo helin.




Mustafe Maxamed Cabdilaahi




Gobanimonews




Hargeysa Office