“Ma aqbali doono dugsi kasta oo ay maamulaan kooxaha xag-jirka ah ama..”David Camaroon
London(GNA)-David Cameron ayaa ka hadlay markii ugu horeysay ka arrin ku saabsan qorshe lagu eeddeeyay inay ku hawlanyihiin xagjirka Islaamiga ah ee waddankaasi,kaasoo la sheegay inay ku tashkiilinayan ardayda dugsiyada dawladda ee Magaaladda Birmingham.
Waxa la aaminsan yahay in la baarayo 12 dugsi oo ku yaalla magaalada Birgmiham ka dib markii sida la sheegay in xubnaha aan Muslimiinta ahayn ee shaqaalaha ah, la aqbalsiiyay in Ardayda lab iyo dhaddiga ah la kala takooro iyo in kiniisadaha oo loo isticmaalo in lagu dhiirigeliyo waxbarista Al Qaeda!.
David Camaroon ayaa balan qaaday in la qaadayo talaabooyin 'ficil dagdag ah ' si loo hubiyo in la isticmaalayo hab lagu faafinayo caqiidada argagixisada.
Warbaahinta dalka Ingiriiska ayaa Salaasaddii todobaadkii hore soo bandhigtay warar ku saabsan baadhitaanka ku socda Dugsiyaddan.
Reysal-wasaaraha dalka Ingiriiska ayaa sheegay inaanay aqbali Karin arrinta shakiga laga qabo ee ku saabsan in Fikirka Xag-jirnimada lagu fidinayo goobaha waxbarashada.
“Ma aqbali doono dugsi kasta oo ay maamulaan kooxaha xag-jirka ah ama kor u qaadida aragtida xag-jirka ah”ayuu yidhi.
“Ma aqbali karno, waxaan haynaa inay leeyihiin awoodaha ay u baahan yihiin inay dhexgalaan dadka, Waxay awoodi karaan inay helaan oo ay jiraan kormeero si ay arkaan meesha ay wax ka leeyihiin ee wax ka qaldanyihiin”ayuu hadalkiisa raaciyay.
Khalid Mahmood oo ah Xildhibaan ka tirsan Aqalka Baarlamanka ayaa sheegay in arrintan oo kale hadal heynteedu soo ifbaxday siddeed sanaddood ka hor laakiinse markii dambe ay been noqotay.
Tahir Alam oo 17 sanadood badhasaab ka ahaa deegaanka uu ku yaala dugsiga Park View School, ayaa sheegay inay been abuur tahay sheekadda ku saabsan in dhalinyarad iskuulkan wax ka barta ugaadhsi xag-jirnimo lagu hayo.
Shakiga ayaa yimi ka dib markii xubno ka mida Muslimiintan Magaalada Birmingham ay agagaarka Dugsiga ka furteen xarumo lagu iibiyo cuntada xalaasha loo yaqaano, taasoo ardayda si weyn u soo jiidatay.
Gobanimonews
London Office
Email: editor@gobanimonews.com