Hargeysa(GNA)-Aqoonyahan Cabdifatax siciid axmed ayaa si wayn u soo dhaweeyey isla markaana hambalyo u diray guud ahaanba shacabka ku nool magaalada Sheffield ee cariga ingiriiska, waxa uu sheegay in talaabada ay qaadeen tahay mid horumar iyo taariikhda Soamaliland gali doonta codayntii ka dhacday golaha deegaanka ee magaalada Sheffield.
Aqooon yahan cabdifatah siciid Axmed oo ah safiir wakhti badan ka soo shaqyanayey wadamada dibada in Somaliland hesho icitiraaf buuxa isla markaana mar walba u diyaara in uu ka qayb qaato sidii caalamku Somaliland ugu soo jeedsan lahaayeen, talaabadan ayaa noqonaysa mid ku dayasho mudan ayna tahay in magaalooyinka kale ee dalka Ingiriisku ku dhaqaaqaan loogana fadhiyo hadii Alle yidhaahdo.
Aqoonyahanka oo intaa ku daray in sanadkii 1994kii uu ka mid ahaa ururkii ugu horeeyey ee muwaadinin reer Somlaliland ahi asaasto kaasi oo ay shaqadiisu ahayd sidii ay Somliland uga heli lahayd bulshada caalamka ictiraaf buuxa kaasi oo marka magaciiu ahaa Somaliland Task Life Link ( STILL).
Waxa kale oo jira urur la yidhaahdo Somaliand Recognition Action Group kaasi oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano (SIRAG), lana asaasay sanadkii 1997.
Gebogabadiina waxa uu hambalyo u diray guud ahaanba shacabka Somaliland iyo xukuumada talada dalka haysa.
Siciid Cabdilaahi Xasan
Gobanimonews
Hargeysa Office