Pages

Friday, April 4, 2014

Puntland oo diiday in dib loogu soo celiyo qaxoonti Somaaliya oo Norway jooga


Shirka Golaha Wasiirrada oo lagu madnuucay in Baabuurta Dawladda iyo ka shacbiga  lagu xidho Beersoosha Madow..




Madaxweyne Gaas oo xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Nugaal.Akhri warbixin + Sawiro




punGaroowe(GNA)-Dawladda Punland ayaa ku gacan saydhay codsi uga yimi Norway oo ku saabsan sidii deegaamadda ay maamusho loo keeni lahaa qaxoonti Soomaali ah oo jooga dalka Norway.




Norway ayaa ka mida dadka ay nolol raadiska ku tageen dadka soomaaliyeed ee ka qaxay gobollada amni daradu ka jirto iyo kuwa amaanka ah ee Somalia, halkaasoo ay nolol iyo nabad u raadsadeen.




Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Puntland ee Khamiislaha ah ayaa lagu falanqeeyay codsiga Norway, ka dib markii madaxweynuhu hordhigay Golaha.




Falan-qayn dheer ka dib Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland waxay si buuxda u diideen in la keeno muwaadiniini Soomaali ah oo laga soo tarxiilo dalka Norway iyo dal kale toona.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinac Norway oo la xidhiidha jawaabta Puntland ka bixisay codsigeeda.




Puntland ayaa ka mida Gobollada xasiloon ee dalka Somaaliya.




Beersoosha Gaadiidka lagu xidho oo laga madnuucay xataa Baabuurta Dawladda




Sidoo kale kulanka Shirka Wasiirrada ayaa looga hadlay arrimaha amniga iyo sababta ka dambeysa khilaafka soo noqnoqda ee u dhexeeya Dawladda Federaalka ah.




Waxaanay Golaha xukuumaddu meel mariyeen joojinta bacaha madow ee lagu xidho muraayada gawaadhida ee loo yaqaano “Beesroolka” taasoo laga mamnuucay gaadiidka Dawladda iyo kan Shacabkaba.punh




Khilaafka Federaalka iyo Puntland oo Madaxweyne Gaas wasiiro u saaray




Sidoo kale waxa guddi wasiirro ah loo saaray in baadhis qoto dheer lagu sameeyo Khilaafka Puntland iyo dawladda Federaalka, guddidaasoo daraasad ku samayn doona arrintaasi ka dibna warbixin ka soo diyaarin doona.   punla




Madaxweyne Gaas oo xilkii ka qaaday Guddoomiyihii Gobolka Nugaal




Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxtooyada ee madaxweynaha Puntland Dr C/wali Gaas ayaa xilkii lagaga qaaday gudoomiyihii gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali mid cusubna lagu magacaabay.




Cabdi Xirsi Cali ayaa xilka hayay xiligii xukuumaddii Cabdiraxmaan Faroole 7-dii sanadood ee u dambeeyay.




Gudoomiyaha Cusub ee gobolka Nugaal ayaa loo magacaabay C/qani Xaashi Cali Ciise Bumbo,sida wareegtada lagu sheegay.




Ninka cusub ee la magacaabay ayaa sheegay inuu xilka loo dhiibay si wacan u gudan doono.




Gobanimonews




Boosaaso Office




Email: editor@gobanimonews.com