Xarar-dheere(GNA)-Al-shabaab ayaa laba qof oo rayid ah ku dishay goob-fagaare ah oo ku taala Magaaladda Xaro-dheere ee Gobolka Mudug.
Labada qof ayaa lagu eedeeyay inay basaasiin u ahaayeen dawladda Somalia iyo xoogaga ka garab dagaalama Milateriga Somalia.
Al-shabaab ayaa hore dad ay ku eeddeeyeen inay la shaqeeyaan dawladda iyo qaar eeddo kale loo jeediyay ku dilay deegaamada ay maamulaan ee Somalia.
Labada ruux ee ay qisaasta ku fuliyeen ayaa maalmo ka hor laga qabtay Magaaladda dhexdeeda.
Dadka deegaanka ayaa warbaahinta uu sheegay in maalmo ay xabsiga ku jireen ka dib la khaarajiyay.
Al-shabaab ayaa lagu eeddeyaa inay geysato gabood falo ka dhan ah xuquuqda aadamaha, kuwaasoo qaarkood ay ku cabsi geliso dadka iyo qaraxyo aan loo meel dayin oo inta badan lagu xasuuqo dad aan waxba galabsan.
Ciidamadda dawladda Soomaaliya oo gacan ka helaya xooggag AMISOM, ayaa dhawrkii todobaad ee la soo dhaafay ka qabsaday deegaamo badan oo ka mida Gobollada ay awoodda badan ku lahaayeen.
Gobanimonews
Gaalkacayo Office
Email: editor@gobanimonews.com