Kooxda Man United oo doonaysa inay si wayn isku dhisto xaggaaga ayaa la sheegay inay doonayso labada laacib ee kooxda Southampton Luke Shaw iyo Adam Lallana.
Wargayska Metro ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Man United ay isku diyaarinayso inay hor dhigto kooxda Southamton £50m si ay u hesho Luke Shaw iyo Adam Lallana suuqa kala iibsiga ee xaggaaga soo socda.
Wargayska ayaa sheegaya in tababaraha kooxda Man United David Moyes uu doonayo inay kaga adkaado kooxaha xiisaynaya labadaan laacib isagoo adeegsanaya lacagta uu ka heli doono maamulka kooxda kuwaas oo sheegay in lasiin doono lacag ku filan oo uu ku galo suuqa kala iibsiga ee soo socda.
Luke Shaw ayaa lala xiriiriyay kooxaha Chelsea, Man City iyo Real Madrid halka Adam Lallana lala xiriiriyay kooxaha Liverpool iyo Chelsea, Man United ayaana doonaysa inay ka dul qaado dhamaan kooxaha xiisaynaya Luke Shaw iyo Adam Lallana.