Friday, April 4, 2014

AS Monaco Oo Ku Dhow Inay Heshiis la Saxeexato Samuel Eto’o.


Samuel-Etoo-ChelseaKooxda ree France ee AS Monaco oo lacag badan suuqa galinaysa ayaa markaan indhaha ku haysa xaalada weerar yahanka kooxda Chelsea Samuel Eto’o.




 




Wararka ka imaanaya France ayaa sheegaya in kooxda AS Monaco ay doonayso inay la soo wareegto 33 jir kaan xulka Cameroon marka uu dhamaado qandaraaskiisa kooxda Chelsea oo ku eg dhamaadka xili ciyaareed kan.




 




AS Monaco ayaa kalsooni ku qabta inay heli doonto saxiixa Samuel Eto’o maadama ay u muuqato in Jose Mourinho uu lasoo wareegi doono weerar yahano halis ah suuqa kala iibsiga ee xaggaaga taas oo ku kalifi doonta Eto’o inuu si bilaash ah ugu biiro kooxda ree France.




 




AS Monaco ayaa doonaysa inay ku buuxiso Samuel Eto’o booska uu banayn doono Falcao uu lasheegay inuu ku sii jeedo mid kood kooxaha, Real Madrid, Chelsea iyo Man City.