Pages

Tuesday, April 8, 2014

Madaxweyne Siilaanyo oo Magacaabay Guddida qaban-qaabada xuska 18 May


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/MG/241-2387/042014 ku magacaabay Guddida Qaban-qaabadda Xuska 18 May, oo uu gudoomiye u yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, Mudane Cali Maxamed Warancade.




 




MAGACAABID.




 




Ku:      Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha      (Guddoomiye)        Hargeysa




 




Ku:      Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta            Hargeysa




 




Ku:      Wasiirka Wasaaradda Wax-barashadda iyo Tacliinta Sare         Hargeysa




 




Ku:      Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta                                                   Hargeysa




 




Ku:      Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska    Hargeysa




 




Ku:      Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta                          Hargeysa




 




Ku:      Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka                                                    Hargeysa




 




Ku:      Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyadda                      Hargeysa




 




Ku:     La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dadka laga tirada badan yahay Hargeysa




 




Ku:      Maayarka Caasimadda Hargeysa                                                          Hargeysa




 




Ku:      Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye Nac-nac                                  Hargeysa




 




Ku:      Mudane, Cabdillaahi Jaamac Cismaan (Geeljire)                             Hargeysa




 




Ku:     Xubin Ka mid ah Isu-tagga Dallada Hay’adaha Aan Dawliga ahayn (SONSAF) Hargeysa




 




 




 




Ujeeddo:      Magacaabid Guddida Qaban-qaabadda Xuska 18 May.




 




Mudaneyaal iyo Marwooyin,




 




Sida aad la socotaan waxa foodda inagu soo haya haddii Eebe idmo Xuska sanad guuradda 23aad ee maalinta Qaranimada Somaliland ee 18 May, maalintaas oo mudan xus iyo xusuus gaar ah.




 




Sidaas darteed, waxa aan mas’uuliyiinta qoraalkani sida tooska ah ugu socdo u magacaabay Guddida heer Qaran ee Qaban-qaabadda Xuska Sanad-guuradda 23aad ee maalinta Qaranimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May.




 




Haddaba, waxaan Guddida Qaban-qaabadda ka rajaynayaa inay xil qaranimo iska saari doonnaan xuska maalinta 18 May oo mudan qadarin gaar ah. Sidoo kale, Maamullada Gobollada iyo Degmooyinka waxa aan farayaa inay Guddida gacan buuxda ku siiyaan gudashada hawshan.