Pages

Tuesday, April 8, 2014

Hargeysa:Korantada Dawladda oo la filayo inay dib u soo Laabato 9 Cisho ka dib


Xukuumadda oo Ganacsatada ka dalbaday inay Mishiino deg deg ah u soo iibiyaan Wershada iyo Macaamiisha oo dib loo nagaadiyay!




wershada2 Hargeysa(GNA)-Xubno isugu jira Wasiirro iyo Masuuliyiin kale oo dawladda ka socda ayaa Maanta booqday xarunta Wershada Korantada Dawladda oo todobaad iyo badh Mishiinnadu ka bakhtiisnaayeen, sidaasi waxa Gobanimo u sheegay mid ka mid ah saraakiisha wershadda.




Qiimeyn ayaa lagu sameeyay ciladda haysata Mishiinnada, waxaana ka warbixiyey Khubarada wershada oo laba maalmood ka hor caddeeyay Mushkillada ku habsatay Addeega Korantada, sida ay sheegeen saraakiisha xaruntaasi.




Masuuliyiinta Maanta booqday xarunta Wershada waxa ka mid ahaa Wasiirka Hawlaha-guud oo hore uga gaabiyay wax ka qabashada caqabadaha sababay inay Mishiinadu fadhiistaan, Hanti-dhawraha guud ee Qaranka iyo masuuliyiin kale.




Inkasta oo talaabadani wakhti hore u eekeyd Dawladda, hadana qiimeyn iyo xogogaal u noqosho xaaladda Mishiinada iyo agabka kale ee meesha yaala ka dib, waxa laysku waafaqay in dhakhso loo kiciyo Mishiinada fadhiistay qaarkood, kuwo cusubna la soo Iibiyo.




Sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen saraakiil  goob-joog u ahaa kulan ka dhacay xarunta wershada oo lagu falanqeeyay sidii dib loogu shidi lahaa Laydhka dawladda ee Hargeysa, waxa dhinacyada ka socda laamaha xukuumadda iyo Maamulka wershadu isku raaceen in ilaa saddex Mishiin oo cusub Ganacsatada laga dalbado, kuwaasoo xubno Ganacsadeyaal ah lagu amray inay dhakhso u soo iibiyaan.




Ganacsatadaasi ayaa sidoo kale dawladdu ka dalbatay inay keenaan Maanta Mishiin ku meel-gaadh ah oo dabka wershedda lagu sii kiciyo.




Maamulka Wershada oo war cusub sheegay




Inkasta oo ay maalmihii ugu dambeeyay masuuliyiinta Wershada rejo la’aani ka muuqatay, isla markaana xubno ka mida Masuuliyiinta hoose laga soo xigtay inay amreen madaxda meeshu in dadka loo fasaxo inay Guryahooda laydh cusub gashadaan, hadana maanta waxa halkaasi ka muuqday rejo cusub iyo qorshe Macaamiisha lagu dejinayo.




Maareeye ku-xigeenka Wershada Cabdilaahi Yuusuf oo Gobanimonews kula kulmay xafiiskiisa ayaa sheegay inay dadweynuhu Koranto heli doonaan 24-ka saacaddood ee soo socda.




Cabdilaahi Yuusuf oo markaasuun ka soo baxay kulan uu xafiiskiisa kula yeeshay Wasiir ku-xigeenka hawlaha Cali Cabdi saayiq, ayaan tafaasiil intaasi ka badan bixin, balse waxa uu sheegay inay rejo wanaagsan qabaan.




Sidoo kale agaasime waaxeed ka tirsan Wakaaladda ayaa wariyaha  u caddeeyay inay joojiyeen dadkii waraaqaha Fasaxa ah la siinayay, isla markaana Mishiino cusub iyo kuwii hore oo la cilad saarayaba hawshooda gacanta lagu hayo.




Mid ka mida Shaqaalaha farsamada Mishiinnada oo ku sugnaa xarunta dhexdeeda ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan mid ka mida Mishiinadii fadhiistay oo ciladd saarayo.korantas




Aragti guracan oo Madaxtooyada ka soo baxday




Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici oo affar maalmood ka hor la kulmay madaxda wershada iyo Injineerada Mishiinadda ka shaqeeya ayaa ku war geliyay in la iibinayo Wershada, sidaasi darteed inta shirkad la wareegta loo helayo ay meesha iska sii joogaan.




Hadalkaasi oo laga soo xigtay qaar ka mida Injineerada ayaa walaac weyn ku abuuray Bulsahda, isla markaana waji kale u yeelay duruuftii la rabay inay dawladdu wax kaga qabato adeegga Korantada.




Si kastaba ha ahaatee wali ma jirto guul ay  dawladdu dib ugu istaadhay Wershada Korantada Hargeysa oo bixisa adeega ugu badan ee Korantada.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com