Waxa jirtay in maalmihii ugu danbeeyey ay caasimada magaalada ee hargeisa ay ahayd bilaa laydh iyadoo markii hore marba xaafad laydhka loo sii daynayey iyadoo ay helayeen saacado loogu talo galay labadii habeen ee ugu danbeeyeyna ay gabi ahaanba ay dansanayd magaaladu inta ay u shido warshada laydhka ee ay dawladu xukunto halka kuwa dadka gaarka ay u leeyihiin ay u shaqeeynayeen.
Waa markii ugu horeysay ee ay dhacdo tan oo kale in xaafadu ahay noqdaan bilaa laydh ama mudo intan leeg ay noqdaa bilaa laydh iyadoo la sheegay in injiinadii baxayey ay xumaadeen oo ay fadhiisteen isla markaana ilaa imika aan la hagaajin oo ayna xaafadihii ayna helin laydh.
Markaa waxaanu madaxwayne kaa codsanaynaa in aad wasiirka madaxtooyada aad noo hoos gayso ama dahabshiil aad ku wareejiso si aanu u helno dab fiican oo aanu uga raysano dab xumidan dadka haysta waxa ay dadku markhaati ka yihiin in dawlada manta jirta uu xirsi yahay wasiirka kaliya ee wax qabta ee la ogol yahay in uu wax qabto markaa madaxwayne noo tix gali codsigayaga mahadsanid.
By: Maxamed Cali Sheekh