Hargeysa(GNA) War-saxaafadeed ay maanta soo saareenGuddida Khayraadka Dabiiciga ah iyo Tamarta ee xisbiga Waddani ayaa waxa ay ku soo bandhigeen qaar ka mid ah dhibaatooyinka ka iman kara maaraynta khayraadka dabiiciga ah oo qaran ka xumaata, cagtana saarta dhinaca musuqmaasuqa iyo qaraabo kiilnimada.
Waxaanu u dhignaa sidan:
Waxaa jira dalal badan oo Africa ka mid ah oo Ilaahay dhulkooda nimcooyinka khayraadka dabiiciga ah ku galaday oo noocwalba leh, Hantidaa khayraadka dabiiciga ah ee ay dalalkaasi haystaan waa ay ka badan tahay oo harumar aad u sareeya ayey u horseedi lahayd, laakiin taariikhdu waxay ku tusaysaa dalalkaasi markii ay khayraadkaa dabiiciga ah heleen in uu khayraadkaasi u horseeday burbur iyo iney hantidii bulshada ka dhaxaysay ay u gasho gacanta shaqsiyaad kooban kuwaas oo ku takri faray kuna gumeystay bulshada inteedii kale inta ka soo horjeesatayna u adeegsaday awoodii dawlada.
Dhibaatooyinka khayraadka dabiiciga ah oo si cadaalad ah loo maarayn waayo waxaa ka dhalan kara:
Khasaaraha deegaanka oo kordha, sida biya dhulka ku jira oo isbedel wayn ku yimaado oo sumooba, dhirta oo nabaadguurta, xoolaha iyo ugaadha oo dabargo’a.
Barakac ku yimaada bulshada ku nool deegaanka ee xoolo dhaqatada ah. Deegaankii ay beeranayeen ama xoolaha ku dhaqanayeen marka loo xidho deegaankaas in khayraadka dabiiciga ah laga soo saaro, bulshadaasi waxay ku waayeysaa oo markaliya faraha ka baxaya shaqooyinkoodi ay awoow ka awoow ka shaqaynanyeen, iyada oon wax allaale iyo wax qorshe/badalaad ah aan loo samayn. Dawladaha arrintaasi la daristaana waligood salka madhigaan
Colaad ka dhex dhalata beelihii nabada ku wada degenaa iyo nabadgelyada oo aad hoos ugu dhacada.
Kala qaybsanaan bulsheed xaga arrimaha siyaasada iyo qaranka
Degenaasho la’aan dhaqaale taas oo ka timaada musuqmaasuqa iyi ku takri falka handtida ka dhaxaysa bulshada. Buurta musuqmaasuga oo samaysmanta ”The pyramids of curruption”
Budhcad shidaal ka dhalata deegaanka. Taas oo ku sal leh saamiqabsi iyo cadaalada xumo.
kalsoonida dawladnimo oo gabi ahaanba meesha ka baxda. Bulshada oo karaamada laga qaado iyadoo loo adeegsanaayo xoog iyo muquunin.
Shirkadaha shidaalka oo ka faaideysta kheyraadka iyagoon u daryeeleyn deeganka iyo bulshda ku nool
Hadaba wadamada ay ku dhacaan dhibaatooyinkaasi loogu magacdaray” 'Resource curse” oo macnaheedu tahay khayraadka dabiiciga ah oo inkaar/habaar ku noqda” markaan daraasad ku samaynay waxay u badan yihiin waddamada saboolka ah ee aan xukuumadahoodu wax masuuliyad ah iska saarin, waajibaadka dalka iyo shacabku ku leeyahayna aan qorshe cad u samayn.
Hadii aan tusaale u soo qaadano dalka Negeria oo ah dalka ugu bulshada badan qaarada afrika, gobolkiisa saliida laga soo saaro ee ”Delta region,” sida in ka badan 6800 oo goobood oo ay saliidu u waxyeelaysay ay si xun u sahamaysay deegaankii .
Arrimaha biyo kama dhibcaanka ah ee sababay in deegaanka iyo dadkuba dhalan rogmaan waxaa ka mid ah.
Qorshe la’aan maaraynta khayradka dabiiciga ah
Shuruuc la’aan khayradka dabiiciga ah
Cadaalad la’aan dhinaca shaqaalaha
Xirfad iyo aqoon la’aan dhinaca khayraadka dabiiciga ah
Somaliland maxay ka shabahdaa jidkii ay mareen dawladahaa ku fashilmay maaraynta khayraadka dabiicig ah. Saadaashu maxay ina tusaysaa, maxaa inoo qabsoomay maxaase inaga xumaaday. Ishaa cali ninkii deyey digniin way ugu filan tahay.
Somaliland waxa loo soo galay halgan dheer oo ku siman tan iyo maalintii uu yimid isticmaarku, halgankaas oo dhiig badani ku daatay oo naf iyo maal badanna lagu waayey,
Bulshada Somaliland waxay mudan tahay sinaan, cadaalad iyo horumar wax ku ool leh.
Xisbiga Waddani guddidiisa khayraadka dabiiciga ah iyo Tamartu wuxuu qaranka
Somaliland ugu ducaynayaa in Ilaahay hareermariyo 'Resource curse” iyo dhibaatooyinka uu wato.
Lasocda qaybaha danbe oo si taxane ah ugu soo bixi doona saxaafada Somaliland
Allaah mahadleh
Xisbiga Waddani
Guddida Khayraadka Dabiiciga ah iyo Tamarta