Pages

Monday, April 7, 2014

Khilaaf u dhexeeya Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Kaluumaysiga oo isbahaysi abuuray


Wasiirka Kaluumeysiga oo Is Bahaysiyo Ka Soo Horjeeda Agaasimihiisa Guud Ka Dhex Samaystay Wasaaradiisa, Xili uu Agaasimihii Guud Dalka Dibadiisa Shir Caalami ah Kaga Qayb Galayo.




laba ninIlo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in wasiirka wasaaradda kaluumeysiga iyo khayraadka badda Cali buureed uu dagaal hoose kula jiro agaasimihiisa guud tan iyo markii ay is khilaafeen wasiirka iyo agaasimuhu ayaa waxa soo baxday sida uu wasiirku u doonayo in la bedelo agaasimaha guud ee wasaaradda kaluumeysiga Mr ilka case oo isaga lagu tilmaamay in uu yahay nin kor u qaaday shawalaha wasaaradda kaluumeysiga waana nin cilmi u leh maamulka iyo arimaha la xidhiidha dhaqaajinta isku xidhka hayadaha caalamiga ah iyo wasaaaradda kaluumeysiga.




Qaar ka tirsan shaqaalaha wasaaradda oo ka gaabsaday inay sheegaan magacyadooda ayaa sheegay in wasiirka iyo agaasime waaxdeed lagu magacaabo Saam oo uu hada wasiirku siiyey awood badani ay shaqaalihii la shireen iyagoo shaqaalihii ka dhaadhicinayey shaqaalaha inay ka hor yimaadaan agaasimaha guud  Maxamed Adan Cilmi(ilka case).




Wasiirka iyo ninka uu awooda dheeraadka ah siiyey ayaa waxay bilaabeen olole dhinaca shaqaalaha ah kaasi oo ku aadan sidii ay shaqaalugu ugu mudaharaadi lahayeen agaasimaha guud ee wasaaradda kaluumeysiga marka uu dalka dibadiisa ka soo laabto,arintan ayaa waxay muujinaysa sida uu wasiirka kaluumeysigu u baalmaray heshiiskii isaga iyo agaasimaha la kala dhex dhigay,waxana cad in wasiirka kaluumeysigu uusan ku qancin heshiiskii hore ,wuxuuna u muuqdaa in uu doonayo khilaaf danbe oo ay ku kala tagaan isaga iyo agaasimaha guud ee wasaaradda kaluumeysigu.




Agaasimaha guud ee wasaaradda kaluumeysiga Mundane Maxamed Adan Cilmi (ilka case) ayaa mudadii uu xilka ayay wasaaradda kaluumeysigu ku talaabsatay horumar la taaban karo ,agaasime ilka case ayaa tiraba dhawr jeer wuxuu shirar caalami ah oo lagaga hadlayey kor u qaadida iyo soo saarka kaluunka ayaa wuxuu kaga qayb galay dhawr wadan oo aduunka ah,iyadoo shirkii ugu danbeeyey uu hada dalka dibadiisa kaga maqan yahay,dadka u dhuun daloola arimaha horumarka ayaa waxay sheegayaan in agaasimaha guud ee wasaaradda kaluumeysigu ku talaabsatay wax qaban la taaban karo,halka wasiirkisiina ku mashquulsan yahay sidii uu u kala daadin lahaa wax qabadka muuqda ee uu sameeyey agaasimaha guud ee wasaaradda kaluumeysigu




Wasiirka iyo ninka uu awooda badan siiyey ee lagu magacaabo ZAAM ayaa waxay todobaadkii ugu danbeeyey ku mashuulsanaayeen sidii ay iska hor keen iyo khilaaf uga dhalin lahaayeen guud ahaanba wasaaardda kaluumeysiga ,wararka ka soo baxaya xarunta wasaaradda kaluumeysiga ee magaaladda hargeysa ayaa sheegaya inay guux badani ka dhex jiro wasaaradda kaluumeysiga ,iyadoo shaqaalaha ay wasiirka iyo Zaam  ay wadaan arin u eeg fowdo iyo kala qaybin wasaaardda dhexdeeda ah.




Arinatan ayaa waxay soo shaac baxaysaa xili khilaafyo xoogani ka dhex aloosan yihiin inta badan wasaaradaha xukuumada siilaanyo.




Qore:Maxamed Cali Cumar




Email:guuldoon@gmail.com




Hargeysa/Somaliland