Pages

Sunday, March 16, 2014

Xisbiga Waddani oo Shan xubnood u Magacaabay Guddida Khayraadka iyo Tamarta


Hargeysa(GNA)-Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa magacaabay Guddiga Khayraadka Dabiiciga ah Iyo Tamarta oo ka kooban shan xubnood.




Waa Guddidii labaad ee Guddoomiyaha Xisbigu magacaabo bishan Gudaheeda.




Xubnaha la magacaabay ayaa war ka soo baxay xisbiga lagu sheegay inay aqoon sare u leeyihiin  hawlaha khayraadka dabiiciga ah iyo tamarta.




Warsaxaafadeed kasoo baxay xarunta Xisbiga  WADDANI oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa lagu sheegay in markuu arkay baahida loo qabo guddiga khayraadka dabiiciga ah iyo tamarta uu magacaabay shan xubnood oo aqoon sare u leh.




Warsaxaafadeedkaasi oo dhamaystirani wuxu u dhignaa sidan:-




 “Ujeeddo: Guddi Magacaabis




Markan darsay: Qodobka 29aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI.




Markan Darsay: Xeerka Xisbiga WADDANI iyo barnaamijkaba.                                              




Markan Arkay: Baaahida loo qabo in la sameeyo Guddiga Khayraadka Dabiiciga ah Iyo Tamarta.




Markan ku Qancay: Waayo aragnimada iyo aqoonta ay leeyihiin Xubnaha Hoos ku qoran 




Wuxuu go’aamiyay in loo magacaabo Guddiga Khayraadka Dabiiciga iyo Tamarta Xubnaha hoos ku Qoran.




Eng. Rakeem Hatinoor




Eng. Mukhtar Omar Nur




Eng. Abdirashid Abdilahi Hersi




Eng. Osman Aw Aadan




Md. Abdulqaadir Askar Hasan




Waxaan ilaahay ka baryeynaa in ay ku biirin doonaan Xisbiga WADDANI fikirado wax ku ool ah, waayo aragnimadimadooda, khibradooda iyo Aqoontiisa”.




Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)




Gudoomiyaha Xisbiga WADDAN