Pages

Sunday, March 16, 2014

Muqdisho: Gar iyo Mag la'aanta Dilka Haweenka ee joogtada noqday.Warbixin


Tiradda Haweenka Toogashada lagu dilay sanadka 2014, waxay muujinaysaa halis ku soo fool leh Maatida ku nool Muqdisho..Warbixin




Dilka GabdhahaMuqdisho(GNA)-Koox Bistoolado ku hubeesan ayaa habeenkii xalay Agagaarka Isgoyska Tiribuunka ee Magaalada Muqdisho ku dilay Haweeney, sida la sheegay u shaqayn jirtay Maxkamada Sare ee Dowlada Soomaaliya.




Waa haweenaydii afaraad  inta la ogyahay ee lagu dilay Muqdisho ilaa dabayaaqaqadii sanadkii hore, taasoo si aan ujeeddadeedu cadayn loogu dilay Magaaladda Caasimadda Somalia,




Haweeneyda xalay la dilay ayaa  Magaceeda lagu soo koobay Deeqa, waxaana la toogtay iyadoo  kaligeed lugeeneysa agagaarka Isgooska.




Kooxda  Dilka geestay ayaa goobta iska baxsaday oo aan ilaa hada la qaban, si la mida kuwii dilalka hore geystay.




Haweeneyda la toogtay, ayaa in muddo ah meesha taalay iyadoo  dhaawac, jirina cid u soo gurmatay, aakhirkiina dhiig bax u geeriyootay.




Bil ka hor ayay ahayd markii Degmada Wadajir lagu toogtay Gabar  u shaqeyn jirtay  Dowlada Federaalka Soomaaliya. Taasoo sidan oo kale kuwii dilay ay baxsadeen.




Isla xili aan fogayn oo horaantii sanadka ah ayaa Magaalada Muqdisho, Gaadhi Bus ah lagu dhex dilay Magaalada Muqdisho, taasoo ahayd Haweenay Ajaanib ah oo Macalimad ahayd.




Dilalka noocan ah ee lagu bartilmaameedsanayo Haweenka ayaa ah arrin aad u fool xun oo aanay dawladdu wali indho fiiqan ku eegin.




Ma cadda sababta ka dambeysa dilka Gabdhaha oo aan iyagu qayb ka ahayn Dagaalka u dhexeeya Dawladda iyo Kooxaha ka soo horjeeda, hase ahaatee dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha Bulshada ayaa walaac weyn ka muujinaya Maxsuulka weerarada caynkan ah.




“Dagaal hadii meel uu ka dhaco cidda ugu jilicsan ee uu saameeyaa waa Haweenka iyo Caruurta, markaa waxaan dawladda ka codsanaynaa inay  dadkaa jilicsan sidii amaankooda iyo noloshooda loo ilaalin lahaa ka shaqayso”sidaasi waxa tidhi haweenay ka mida dadka ku foogan ilaalinta Maatada.




Hase ahaatee fulinta dalabkan ka imanaya Ururrada Bulshada Rayidka ah, ayaa moodaa inay dawladdu kaga indho saabantahay la dacaalidda qaraxyada ku soo badanaya Caasimadda, kuwaasoo sii kordhiyay cabsida dhanka amniga ee Magaalada.




Arrinta ugu weyn ee lays waydiinayaa waxay tahay cidda ka dambeysa dilalka Gabdhaha iyo ujeeddada ay ka leeyihiin.




Si kastaba ha ahaatee qudh goynta Haweenka aan waxba galabsan ayaa noqonaysa xaalad  kale oo ka sii fool xun Kufsiga Gabdhaha 23-kii sanadood ee la soo dhaafay Kumanaan ku noolaa deegaamadda amni daradu ka jirto lagula kacay.




Tani waa Masiibo inteeda le’eeg oo wax ka qabasho looga sugayo dawladda Xasan Sheikh Maxamuud iyo Maamulka Gobolka Banaadir.




Sababtoo ay tahay Haweenaydu maaha qof kaliya oo Bulshada ka baxay.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com