Tuesday, March 11, 2014

Xidhibaan Dheeg oo Amaanay waxqabadka Xukuumadda Siilaanyo


Xidhibaan Dheeg




Xidlhibaan (Gobanimonews) 11-3-2014-Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo ka tirsan Golaha Guurtidda Somaliland ayaa ka hadlay waxqabadka Xukuumadda Kulmiye oo uu sheegay inay tahay dawladdii ugu waxqabadka badneyd 25-kii sanno ee Somaliland jirtay una qalanto in lagu bogaadiyo taasi.




Md  Maxamed Maxamuud (Dheeg) oo xalay Wargeyska Saxansaxo u waramaayey ayaa  bulshadda reer Somaliland ku canaantay  in hadii Xamar iyo meelo kale laga sheekeeyona ay dhegeytaan hadii Xukuumadda wax qabadkeeda lagu amaanano ay Guulwadeyn ku sheegaan taasi oo ugu baaqay inay ka waantoobaan xukuumaddana ku bogaadiyaan waxqabadkeeda waxanu sido kale Xidhibaan Dheeg ka hadlay mudo kordhinta la wariyey in Xukuumaddu wado taasi oo uu sheegay in aanay waxba ka jirin ee Mucaaridku suuqa geliyeen isla markaana hadii ay duruufi keento Distoorku dalka u yaala ogol yahay.




 Xidlhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg)  oo arimahaasi ka hadlayey waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Maalin dhaweyd waad ogeydeen oo Madaxweynaha Somaliland Md Axmed (Siillaanyo) Xeer hantida ma guurtada ah ee dawladda lagu ilaalinaayo,xeerkaasi oo wixii dhul ah ee la lunsadayna na soo celinaaya wixii dambe ee dhulka hantida qaranka ah ee dalkana ilaalinaaya  arintaasi madaxweynaha aad iyo aad ayaan ugu bogaadinayaa waxa kale oo aan ku bogaadinayaa mudo 25 sanno ah ayeynu dawlad soo ahayn oo horta hadii Muqdisho la amaano dadkeenu way ku dhegeysanayaan balse hadii aad waxqabadka dawladdeena ku bogaadiso waxa ay ku odhanayaan waa uu guul wadeynayaa”




Md  Dheeg oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Balse runta hadii aan kuu sheego 20-kii sanno ee aynu hore u soo jirnay  Somalialnd 3 sanno oo Xukuumaddani uu hogaamiyaha ka yahay  Md Axmed (Siillaanyo) intii ay  xilka haysay ayaa marka runta la sheego ka wax qabad badan,oo anigu dawlad walba iyo madaxweyne waxba waan la soo shaqeeyey oo xata Waddooyinka iyo Laamiyada la sameeya dawladdahii hore waxa ay ahaayeen Labeeno yar yar oo oo markaaba iska duulaaya (burburaaya) balse Xukuumadda imika jirta waxa ay u shaqeynaysaa marka aad eegto Mashaariicda iyo waxqabadkeeda sidii dawladdaha waa weyn ee Caalamku dalalkooda ugu shaqeeyaan oo u hormariyaan,taasina waa mid runtii mudan in lagu bogaadiyo oo lagu dhiirigeliyo ee aan ku habooneyn in indhaha laga qarsado waxanan runtii aad iyo aad u bogaadinayaa waxqabadka ay qabatay xukuumadu hadii ay dhismaha wadooyinka tahay hadii ay Ilaalinta hantida umadda tahayba umaddana waxa haboon inay dafirka iska daayaan oo wax qabadka sida Cadceeda muuqda aanay Sacabka ku qarinin eleen suurto galmaahe”




 




 Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg)  oo mudo kordhinta la sheegay  inay xukuumaddu wado ka hadlayey waxa uu yidhi “Horta Mudo kordhini wax ay timaada marka ay dhawr bilodo ka hadhaan mudada doorashada ka hadhay marka ay yar tahay ee aanay Suurtoobeynin ayaa uu Madaxweynahu soo qora warqad uu leeyahay waa in golahaasi iyo golahaasi mudo kordhin loo sameeyo waana arin Distoori ah mudo kordhintu marka ay jiraan duruufo loo cuskanaayo oo jiraa xeerarka qaranka u yaala ayaa sidaasi qaba ee iyada oo la jooginba mudo kordhin oo Xukuumadda hada joogta ay u hadhsan yihiin Sanad iyo saa’id ayaa hadana suuqyada la wadaa mudo kordhin ayaa jirta iyo waxbaa la kordhisanayaa waxasi cida wada waa mucaaridka uun ee Xukuumadda iyo Kulmiye toona lagama hayo,waxana la yidhi Fiintu roobka soo socda ayey ka sii Oydaaye hayska daayaan inay Mucaaridku biyaha kashkooda ku jira ka didaan,hadii ay mudo kordhini timaado waxa ay dawo ka tahay in hadii wakhtigu ka dhamaado dawladda oo doorasho suurto gal noqon weydo sabab ay doonto ha noqote waa in dawlad sii jirta la helo si aanu dalku dawlad la’aan ugu dhicin ayaa horta mudo kordhinta loo sameeya marka hore mid kale dawladda imika joogta waa bay istaahisha in mudo kordhin loo sameeyo ileen taayadii udub ee Fadhiidka ahaydba waa tii mudada loo kordhinaayey ee Adeer kuwan ayaaba wax kasta dalka u qabtay oo u qalma ee maxa ku jaban hadii Wakhti Duruufi keentay loo kordhiyo ”




Xidlhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg)  waxa uu intaasi raaciyey “Horta waxa haboon in Mucaaridku ogaadaan lacagta Ceerigaabo Waddeeda loo ururinaayo inay tahay mid umadda loo ururinaayo waayo oo waliba Xukuumaddu marka ay ururiso lacagtan ay mid ka badan iyagu ku darayso waayo waad og tihiin Gobolka Sanaag magaaladdiisa Ceerigaabo waa meelaha dalkeena ugu fog oo dalka intiisa kale way ka go’an tahay oo waa gobolka dalkeena ugu weyn hadana inaga godoon ah wado xumo awgeed sidaasi darteed  kol hadii Xukuumaddu u dhaqaaqday wax qabad iyo inay Waddadaasi ku dhirato dhiskeeda waxa aan filayaa in aanay habooneyn in madaxa la qabto oo lagaga istaago hawlahii shaqo ee xukuumadda iyo Madaxweynahu isku xilqaameen ee waa in aynaan wax kasta mucaaridad ka deyin ee aynu dhiirigelin iyo taageero la dhinac istaagnaa ayaan umaddeena iyo Mucaaridkaba u soo jeedinlahaa ileen waynu aragnaa oo xukuumaddan cid dafiri karta inay tahay dawladdii ugu wax qabadka badneyd ma jirto cid kula tartami karta xata kuwa mucaaridka ah ee dhaliilayaaye”




Xigasho Wargeyska Saxansaxo




Wariye Cabdiwali Cali Ismaaciil




Abdiwali1991@gmail.com




Gobanimonews/Hargeysa Office/Somaliland